Kooxaha samata bixinta ee Turkiga ayaa saddex nin ka soo saaray burburka hoostiisa, kadib 11 maalmood oo ay halkaa ku go’doonsanaayeen dhulgariirkii dalkaas ka dhacay awgii.
Hakan Yasinoglu ayaa 278 saacadood ku hoos jiray dhismo gebi ahaanba dumay, waxaana Jimcihii laga soo badbaadiyay gobolka Hayat oo ah meesha uu khasaaraha ugu badan ka dhashay.
Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Osman Halebiye iyo Mustafa Avci oo 34 jir ah ayaa laga soo badbaadiyay burburka ka dhacay gobolka Antakya.
“Waan ka rejo belay. Tani waa arrin mucjiso ah,” ayuu yiri Mustafa Avci aabihii oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Samata bixintan ugu dambeysay ayaa ku soo aadaysa xilli tirada dadka ku dhigtay dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ay kor u dhaaftay 41,000 oo qof. Waxaa la filayaa in tirada dhimashada ay intaa ka badan doonto.
Hawlaha samata bixinta
Kooxaha gurmada ayaa ka rejo dhigay inay helaan dad kale oo nool, maadaama uu jirka bani’aadanka maalmo kooban u adkeysan karo biyo iyo cunno la’aan.
Dhanka kale, Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa salaad janaaso qaa’ib ah u tukaday kumanaanka ku dhintay dhulgariirka.
Qaramada Midoobay ayaa codsatay kaalmo lacageed oo dhan hal bilyan oo dolar, si ay wax uga qabato gurmadka Turkiga, iyo 400 oo milyan oo dollar oo ku aaddan gurmadka Suuriya.
Ururada samafalka ayaa sheegay in dadka ka badbaaday dhulgariirka ay u baahan yihiin bilooyin si ay dib ugu soo dhisaan noolashooda.
Dowladda Turkiga ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga falcelisay musiibada, iyadoo su’aal la geliyay sida ay ugu diyaargarowday dhibaato xajmigan leh.
Madaxweyne Erdogan ayaa qiray in gurmadka hore u uku bilowday qaab gaabis ah, hase yeeshee waxa uu ugu baaqay shacabkiisa in aanay dhegaysan kuwa danaha siyaasadeed ka dhex arka musiibadan.
Dhanka kale, tirada dhimashada laga soo sheegay Suuriya ayaan isbedalin. Deegaannada waqooyi galbeed ee ay gacanta ku hayaan xooggaga mucaaradka ayaa laga soo wariyay dhimashada ugu badan, kuwaas oo aanu si wanaagsan u gaarin gargaarka.
Urur u doodda xuquuqda aadanaha ee Suuriya oo uu fadhigiisu yahay London ayaa sheegay in ciidamada Asad ay duqeeyeen magaalaa Atareb iyo deegaanno kale oo uu dhulgariirku saameeyay. BBC-du ma aanay xaqiijin warkaas.
xigasho bbc