Arrimaha ugubka ah ee ku gedaaman dilka uu asakri u geystay laba eedeysane oo maxkamad loo waday

0

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in maanta uu laba qof oo rayid ah, isla markaana ay maxkamad ku socotay ku toogtay meel u dhaw maxkamadda magaalada Jowhar. Askariga ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay qoyska wiil yar oo shalay ku dhintay webiga, dhimashadiisana la tuhmay inay ku lug lahaayeen labada nin ee maanta maxkamadda la soo taagay.

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin, isla markaana ay filayaan in askarigaas cadaaladda la marsiin doono. Wasiirka amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo goor dhaweyd nagu soo booqday Istuudiyaha ayaan ka waraysannay waxa maanta dhacay.

Wiilka yar oo wasiirku uu ku tilmaamay mid da’diisu aad u yareyd ayaa la sheegay in laga helay meel kanaallada beeraha lagu waraabiyo ah, waxaanay qoyska wiilka yar ee la dilay ay ku tuhmeen in la ciijiyey ka dibna webiga lagu riday. Balse sababta tuhunkan keentay ayaan caddeyn, sidoo kale wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu caddeeyo guud dhacdada rasmiga ah ee ku xeeran dhimashada wiilka yar isaga oo sheegay in baaritaan uu socdo aanay ka war dhowrayan natiijada baaritaanka.

”Ka dib ninka weerarka soo qaaday ayaa waxa uu dil u geystay labada nin ee lagu tuhumayay inay dileen wiilka oo la sheegay in la ceejiyay ka dibna webiga lagu riday.”

Wasiirka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdada foosha xun ee ka dhacday magaalada jowhar.

Ninka dilay labada nin waxa uu ahaa askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Waxa uuna la dhashay canugga yar ee la dilay ka dibna webiga lagu riday, sida uu BBC-da u sheegay wasiirka amniga Hirshabeelle.

Warbaahinta qaar ayaa qortay in ninka dilka u geystay laba nin uu ka tirsanaa koox ciidanka dawladda ka mid ah oo la magac baxday AFJAR sidoo kalena uu watay ciidammo ilaalo u ah isaga balse wasiirka ayaan xaqiijin sheegashooyinkan inksta oo uu sheegay in uu watay ciidan ka badan kuwii ilaalada maxaabiista ahaa oo uu ku sheegay inay ahaayeen laba askari oo kali ah.

“Maxbuuska ama qofka eedaysanaha marka maxkamadda loo wado, sharciyan waxaa raaca laba askari oo boolis, ninka dilka geystayna wuxuu watay gaari ciidan ah,” ayuu yiri wasiirku mar uu ka jawaabayey sida ay ku suurta gashay inuu ninkani dilo eedaysanayaal ay ilaalo la socoto.

Ninka dilka labada nin geystay ayuu wasiirku BBC-da u sheegay inuu u baxsaday meel tuula ah oo magaalada ka baxsan balse waxuu ballan qaaday in ay ciidamada amaanku soo qabanayaan sharcigana marsiinayaan.

“Waxaana shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Hirshabeelle u ballan qaadeynnaa in gacan ku dhiig lahaas lasoo qaban doono sharcigana la marsiin doono.” Ayuu BBC-da u sheegay wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre.

Muxuu ahaa ninka dilka geystay?

Sidee ayay wax u dheceen?

Wasiirka amniga ee Hirshabeelle ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ugub ku ah deegaanka isla markaana kedis ku noqotay dadka.

”Maanta waxaa magaalada Jowhar ka dhacday dhacdo xun oo aan la filaynin inay deeganka ka dhacdo, waxaa magaalada ka dhacday in laba qof oo eedeysaneyaal ah oo maxkamadda loo sii waday kuwaas oo lagu tuhmaamayay kiis dil ah oo loo geystay canug yar uu si lama filaan ah u soo weeraray nin lagu sheegay inuu yahay qoyska wiilka yar ee la dilay,” ayuu yiri wasiirka amniga ee Hirshabeelle.