Wiilkii waxbarashada dhexda uga tagay ee maalqabeenka noqday oo ay xaalad adag soo food saartay

0

Maalqabeenka Hindiga ah ee Gautam Adani ayaa in ka badan $20 bilyan lagala baxay hantidiisa ka dib markii maalgashadayaasha ay ka carareen shirkadihiisa. Arrintan ayaa timid ka dib markii shirkad maalgashi oo Mareykan ah ay sheegtay in khiyaano iyo wax is daba marin ay ku kacday shirkadda Adani Group taas oo ay gaashaanka u daruurtay shirkadda.

Shirkadda Cadaani ayaa warkaasi ku tilmaamay mid xaasidnimo ah, balse jawaabtii ay bixyeen ayaanan wax isbadal ku sameyn buuqa iyo sawaxanka.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Hindiya ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo. Shirkadaha hoos yimaada waxay lumiyeen ilaa $50 bilyan oo doolar qiimaha suuqa.

Saamiyada astaanka shirkadda Adani Enterprises ayaa hoos u dhacay ku dhawaad ​​20% Jimcihii, taasoo sababtay in si toos ah loo joojiyo ganacsiga Mumbai.

Mr Cadaani ayaa hoos uga dhacay liiska qofka saddexaad ee ugu qanisan adduunka isagoo galay kaalinta toddobaad ee liiska dadka hodanka ah ee Forbes, isagoo haysta hanti lagu qiyaasay in ka badan $96 bilyan oo doolar, sida lagu sheegay daabacaadan.

Waa kuma wiilkii waxbarashada dhexda uga tagay ee hadda ah ninka ugu taajirsan qaaradda Aasiya?

Mr Adani, oo 60 jir ah, waa ninka saddexaad ee adduunka ugu taajirsan – waxa ka horreeya Elon Musk iyo Jeff Bezos.

Waxa uu maamulaa shirkad ballaadhan oo oo dhanka tamarta dekadaha ah oo ay hoostagaan toddobo shirkadood oo ganacis ah, 23,000 oo shaqaale iyo hanti ka badan $230 bilyan oo doolar.

Waxa uu todobaadkan ku jiray wararka warbaahinta sababta oo ah waxa uu ku dhaw yahay in uu la wareego NDTV, oo ah shabakada wararka ee India loogu ixtiraam badan yahay, taas oo noqoneyso ganacsigiisii ​​ugu horreeyay ee dhanka warbaahinta ah.

Ka dib markii uu iskuulka dhexda kaga tagay isaga oo 16 jir ah, Mr Cadaani waxa uu u guuray Mumbai si uu u tijaabiyo ganacsi, waxa uu bilaabay ka ganacssiga dheemanka hase yeeshee ganacsigan horay uma sii socon oo muddo laba sannadood ka dib wuxuu ku laabtay Gujarat, gobolka uu ka soo jeedo, si uu u maamulo warshad baakadaha sameysa oo uu maamulayay walaalkii.

Mr Adaani, oo ka soo jeeda qoys dabaqad dhexe ah oo ka ganacsada dharka, waligii dib uma eegin ka dib markii uu furtay shirkadiisa ka ganacsiga badeecadaha sannadkii 1998.

24-kii sano ee xigay, shirkadihiisa deynta lagu bilaabay waxay u kala qaybsameen dekedo,, waddooyin tareen, kaabayaasha korontada iyo hantida ma guurtada ah taas oo ka dhigtay waxa uu falanqeeye ku tilmaamay “laga yaabo in ay yahay mid ka mid ah dadka ugu dadaal badan jiilka cusub ee Hindiya ee maalqabeenada”.

Maanta, Mr Cadaani waa maalqabeenka kaabayaasha dhaqaalaha ee Hindiya. Waxa uu maamulaa shirkadda labaad ee ugu weyn Hindiya ee shamiintada, 13 dekedood – oo ay ku jirto tan ugu weyn dalka oo ku taal magaalada xeebta galbeed ee Mundra – wuxuu sidoo kale maamulaa todoba garoon diyaaradeed. Waxa uu dhisaya Jidka aadka u dheer ee Hindiya ee isku xira Delhi iyo Mumbai oo ah caasimadda ganacsiga dalkaas.

Hase yeeshee dhanka kale, Mr Adaani waxa hareereeyay muran badan oo ah dhanka xiriirka dhow ee uu la leeyahay Narendra Modi. Dadka dhaleeceeya ayaa ku tilmaamay in boqortooyadiisa ganacsi ay tusaale u tahay hanti-wadaag ka dhaxeeya isaga iyo Modi.