Dukumiintiyada sirta ah ee la sheegay in laga qaaday xafiisyada Joe Biden kuwaas oo laga helay armaajo qufulan oo ku taal Xarunta cilmi baarisyada diblumaasiyadda ee Penn Biden oo ku taal caasimadda Washington ayaa horseedi kara jahwareer siyaasadeed.
Hadda qeybtiii labaad ayaa laga helay goob ka duwan goobtii hore oo aan la shaacin, taas fadeexadda sii qoto-dheereynaysa.
Waxa kale oo ay madaxweynaha gelin kartaa khatar dhanka sharciga ah, in kasta oo xog aad u yar laga og yahay dukumeentiyada iyo sababta aan loogu kaydin kaydka Qaranka Maraykanka.
Dadka dhaleeceeya Mr Biden waxay durbadiiba bilaabeen inay is barbar dhig ku sameeyaan baaritaanka joogtada ah ee waaxda cadaaladda ee ku saabsan sida uu Donald Trump u maareeyay waxyaabaha sirta ah ka dib markii uu ka tagay Aqalka Cad bishii Janaayo ee sannadkii 2021.
Tirada, nooca iyo goobaha laga qaaday feelalka
Sida laga soo xigtay warbixinnada wararka, qareennada gaarka ah ee Mr Biden ayaa helay 10 dukumeenti sir ah – oo qaarkood lagu calaamadiyay siraha ugu sarreeya – oo uu ka mid yahay sanduuq ay ku jiraan walxo kale oo ku jiray armaajada kaydinta oo ku taal Xarunta Biden ee Dublamaasiyadda iyo Ka-qaybgalka Caalamiga ah ee Jaamacadda Pennsylvania.
Taasi waxay ka duwan tahay in ka badan 325 fayloo sir ah – oo ay ku jiraan qaar lagu calaamadeeyay siro sare – oo sannadkii hore laga helay guriga Mr Trump ee Mar-a-Lago ee Florida.
Ma ogin inta ay l’egtahay tirada faylasha ee laga helay kaydka labaad ee Biden.
Farqiga u dhexeeya dukumiintiyada laga soo saaray xafiiska Mr Biden iyo kuwa guriga gaarka ah ee Mr Trump ayaa noqon kara kuwa ah in isu dhow, xitaa haddii aysan gabi ahaanba la yaab ahayn marka la eego dareenka laga qabo kuwa madaxweynihii hore ee ganacsiga iyo arrimaha gaarka ah isku dhafka ahaa.
Dukumeentiyada laga helay xafiiska Mr Biden waxaa lagu calaamadeeyay “xog xasaasi ah “, sida laga soo xigtay CNN, taas oo muujinaysa in ay ku lug yeelan karaan habab sirdoon. Waxaa la sheegay in ay ku jireen xogo ku saabsan Ukraine, Iran iyo UK.
Dukumeentiyada Trump ah oo laga helay Mar-a-Lago, mid ka mid ah ayaa lahaa calaamad SCI oo la mid ah kuwa Biden.
Sida laga soo xigtay lataliyaha gaarka ah ee Mr Biden, qareenadiisa gaarka ah ayaa helay dukumeentiyada sirta ah markii ay ka guurayeen xafiisyada Biden ee Washington 2-dii Noofambar. Maalintii xigtay, waxay agabkii ku wareejiyeen Kaydka Qaranka.
Ma garanayno sida loo helay qeybta  labaad, laakiin waxa la sheegay inay qayb ka ahaayeen baaritaan lagu sameeyay dhammaan xafiisyadii uu Biden isticmaalay, ka markii ay soo baxday arrintan la xiriirta faylalka sirta ah.
Arrinka Mr Trump, Kaydka Qaranka ayaa bilaabay xiriir uu la sameeyay xafiiska Mr Trump ka dib markii uu xaqiijiyay in uusan haynin qaar ka mid ah faylalka la xiriira diiwaannada la taaban karo ee xilligiisii madaxtinimo – sida xiriirkii uu la sameeyay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
Jawaabta dukumentiyada maqan
Maalmo ka dib weerarkii lagu qaaday xarunta Mar-a-Lago, Mr Trump wuxuu ku eedeeyay FBI-da iyo waaxda cadaaladda inay wadaan baaritaan ku saleysan siyaasad si looga hortago inuu mar kale u tartamo Aqalka Cad.
Mr Biden, ayaa dhankiisa sheegay in wax ka qabashada Mr Trump ay tahay “gebi ahaanba mas’uuliyad darro”.
Hadda oo madaxweynaha laftiisa lagu eedeeyay inuu si khaldan u maamulay xogta sirta ah, Mr Trump wuxuu si degdeg ah u qaaday weerar la mid ah kii isaga lagu qaaday.
“Goorma ayay FBI-du weeraraysaa guryaha badan ee Joe Biden, laga yaabee xitaa Aqalka Cad?” qoraalkaas ayaa waxa uu soo dhigay bartiisa bulshada.
Mr Biden ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in dukumiintiyo xasaasi ah ay yaalaan xafiiskiisa hore uuna si buuxda ula shaqaynayo dib u eegista.
Markay tafaasiil dheeraad ah ka soo baxayaan dukumiintiyada labaad ayaa waxa laga yaabaa in madaxweynuhu uu sharraxaad cad ka bixiyo.