Xilliga qaboobaha waxaa kordha dadka cuna kalluunka, sidaas awgeedna waxaa waqtiyadaas laga doodaa sheekooyin ku saabsan kalluunka, waxaana ka mid ah waxa qofka uu la kulmi karo haddii uu caano cabo marka uu kalluun cuno ka dib.
Waxaa laga digaa in kalluunka iyo caanaha oo isla socda ay sababi karaan in uu qofka ku dhaco cudur la yiraahdo “vitiligo” oo ay Soomaalidu u yaqaannaan “baras”.
Cudurkan waxa uu maqaarka u yeelaa calaamado kasoo muuqda meelo kala duwan. Waxaa sidoo kale jirta sheegasho kale oo ku saabsan in kalluunka iyo caanaha oo la isku daray ay horseedi karaan noocyo ka mid ah kansar-ka, inkastoo aysan jirin caddeyn dhinaca caafimaadka ah oo arrintaas taageereysa.
Wariye caan ka ah Pakistan iyo meelo ka mid ah qaaradda Aasiya oo lagu magacaabo Uzair Rizvi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal la xiriira mowduucan oo abuuray hadal-heyn weyn.Uzair ayaa sheegay in hooyadiis ay aad u walwasho marka uu caano cabo isagoo kalluun cunay. Waxa uu isweydiiyay in walaaca noocaas ah uu ku kooban yahay hooyooyinka Pakistan iyo kuwa Hindiya oo kaliya ama in lala wadaago caalamka oo dhan.
Qaar ka mid ah dadka Yuhuudda ayaa sidoo kale aad uga taxaddara in ay caano cabbaan cunista kalluunka ka dib.
Dadka dooddan uga fal celiyay baraha bulshada qaarkood ayaa sheegay in fikraddan ay asal ahaan ka timid dalka Giriigga, iyagoo sheegay in isku darka caanaha iyo kalluunka ay abuuri karto xanuunno dhinaca mindhicirrada ah iyo shuban.
Balse muddooyinkan makhaayadaha qaarkood waxay iibiyaan raashin ka sameysan caano iyo kalluun.
Maxaa ka jira in kalluunka iyo caanaha ay khatar isku yihiin?
Khubarro dhinaca caafimaadka ah ayaan ka wareysannay inay jiraan xanuunno maqaarka iyo caloosha ah oo ka dhalan kara isu geynta kalluunka iyo caanaha.
Dr Urmila Javed oo ah dhakhtar ku takhasustay cudurrada maqaarka ayaa iyadoo arrintan ka jawaabeysa tiri: “Mowduucan waa mid la buunbuuniyay, xanuunka maqaarka ma aha mid xiriir la leh caano iyo kalluun kulmay.”
Dhakhtaraddan ayaa sheegtay in xanuunnada maqaarka, sida baraska ay sababaan xaalado kale oo caafimaad.
“Waa cudur la fal gala difaaca jirka, taasoo micnaheedu yahay inuu ka billowdo dheecaanno ay soo bixiyaan unugyada difaaca si ay uga hortagaan maaddada melanin oo ka sameysan unugyada midabka u yeela maqaarka,” ayey tiri.
Marka ay xaaladdaas dhacdo waxaa meesha ka baxda maaddada midabeynta maqaarka waxayna dhaawacyadeeda ka muuqdaan dusha sare, sida ay sheegtay Dr Urmila Javed.
Sidoo kale Dr. Zainab oo isla arrintan kala hadashay BBC-da ayaa shegetay in warka ku sabsan halista ka imaata caanaha iyo kalluunka uu yahay “mid la iska male’awaalay balse aan loo heynin caddeyn dhanka seyniska ah.”