Ma Madax banaan yahay Tv cusub ee Jigjiga laga furay, ma faafin karaa dhaliilaha xukuumada deganka soomalida

0

SHAKAAL TV  waxaa maal gashaday ganacsato is bahaysatay oo kasoo jeeda degaanka soomalida itoobiya, waxaana la sheegay in uu madax banaan yahay, wasiir xafiiska warfaafinta ee degaanka soomalida itoobiya  cabdirashiis ducaale aya  ka qaybgalay furitanka aya yidhi T V gani wuxuu kusoo biiray warbaahinta degaanka waana soo dhawaynaynaa ayuu yidhi, wasiirka ayaana fariin udiray warbaahinta kale ee wali aan sharciga helin inay buuxiyan shuruudaha hor yaala si ay ugu hogaansamaan shaqada baahinta sharciyada ku xidhan,,

Maxamed dheeg caagane oo ah mareyaha TV ga cusub ee SHAKAAL ayaa yidhi Labo sano ayay nagu qaadatay in aan sharci helno waayo sharciyada warbaahinta iyo furfurnaanta ayaa adkayd dalkan  inkastoo hada la dabciyay oo caawaba aanu daahfurnay  oo lagu damaashaadayo,

Hadaba Guud ahaan dalka Ethiopia  ma jiraan warbaahin si madaxbanaan warar u baahin karta  oo waxay la kulmayaan ciqaab iyo xadhig, tusaale ahan labo sano ka hor Tv la odhan jiray Nabad TV ayaa jigjiga laga hirgaliyay aakhirkiina albaabada ayaa loo laabay markii uu baahiyay dhaliilo  xukuumada deganka soomalida ah,