Nin u dhashay dalka Hindiya oo uu qabriga aabihiis ka lumay markii uu lix bilood jiray ayaa masaafe dheer u galay si uu u helo goobta uu ku aasan yahay meydka oo uu ka helay waddan kale. Prabhurao Anandan oo ah weriye saldhiggiisu yahay gobolka Tamil Nadu ayaa ka warramaya.
Haddii aad weydiiso Mr Thirumaran (oo magaciisa intaas ku soo kooba) xasuusta yaraantiisii eek u saabsan aabihiis waxba kuuma sheegi karo. Xitaa ma xasuusto sida uu u ekaa.
Aabihiis K Ramasundaram – oo macallin iskuul ka ahaa dalka Malaysia – ayaa u geeriyooday burukiito sanadkii 1967, markaas oo ahayd lix bilood uun ka dib dhalashada wiilkiisa.
Mr Thirumaran iyo hooyadiis waxay isla sanadkaas ku laabteen gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya.
Sanadkii 1987, markii uu Mr Thirumaran, ayey hooyadiisna geeriyootay.
Muddo sannado badan ah waxa uu iska heystay warqado hore oo uu qoray aabihiis oo ay hooyadiis uga tagtay.
Waxa ay u sheegtay in aabihiis uu ahaa “qof bani’aadamnimo fiican leh” sidoo kale “fannaan wanaagsan ahaa”.
Ka hor inta aysan dhiman 35 sano ka hor, waxa ay sidoo kale la wadaagtay xog kale oo muhiim ah oo ku saabsan ninkeeda – oo ah halka uu uga aasan yahay Malaysia, meeshaasoo ah magaalada Kerling oo u uku noolaan jiray kuna geeriyooday.
Mr Thirumaran oo hadda 55 jir ah samafale ah ayaa bishii November go’aansaday in uu raadiyo qabriga aabihiis.
“Mar walba waxaan ku fikiri jiray in ay Khasab tahay inaan booqdo qabriga aabeheey, balse si fiican ugama fikirin. Ilaa hadda,” ayuu yiri.
Howsha oo dhan waxay ka billaabatay Google search
Mr Thirumaran waxa uu raadintiisa ka billaabay sidii u uku heli lahaa iskuulkii uu macallinka ka ahaa aabihiis, balse marka laga soot ago magaca, wax kale kama uusan aqoonin xaruntaas.
Ramasundaram waxa uu luuqadda Ingiriiska ka dhigi jiray iskuulka Thotta Thesiya Vakai Tamil Palli, oo ahayd goob aad u yar oo ay lahaayeen bulshada Tamil-ka eek u dhaqan magaalada Kerling.
Sidaas awgeed, Mr Thirumaran waxa uu ardaydiisa ka codsaday in ay iskuulkaas ka raadiyaan Google.
“Ma garanayo sida loo isticmaalo Kumbuyuutar, sidaas darteed ardaydeyda ayaa ii raadisay oo is tustay sawirka iskuulka. Aad baan ugu farxay,” ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale ogaaday in iskuulka loo raray meel kale, ka dibna waxa uu farriin email ah u maamulaha si uu caawinaad uga helo.
Maamulka iskuulka ayaa u fududeeyay in uu helo meelo uu kala xiriiro ardaydii uu wax bari jiray aabihiis, kuwaasoo qaar badan ay weli ku nool yihiin Malaysia, wuuna la xiriiray.
Dhowrkii maalmood ee xigay, qaarkood ayaa usoo jawaabay, waxayna oggolaadeen in ay la raadiyaan qabriga.
Mr Thirumaran waxa uu sheegay in uu la yaabay sida quruxda badan ee ay ardaydii hore ee aabihiis – oo hadda ay da’doodu tahay 80-meeyo – uga sheekeeyeen xasuusta ay ka hayaan macallinkooda.
“Mid ka mid ah ayaa ii sheegay in uu aabehey u iibiyay baaskiil u uku aadi jiray iskuulka iyo kuleejka. Mid kalena waxa uu sheegay in markii uu wax barashada culeys ka dareemay uu caawinaad ka helay aabahay ka dibna uu buundooyin fiican keenay,” ayuu yiri.
“Markii aan dhageystay dhammaan sheekooyinkan waxaan garowsaday waxa aan ku waayay nolosheyda.”
Qabriga u dhow keynta
Ka dib markii ay qaar ka mid ah ardaydii hore ee aabihiis uu wax ku bari jiray Malaysia heleen qabriga, waxay kuso wargeliyeen Mr Thirumaran.
Maalintii ay taariikhdu ahayd 8-dii November, Mr Thirumaran oo ay farxad ka tan badatay ayaa u duulay Malaysia, si uu usoo arko qabriga aabihiis.
Xilli subax hore ah ayuu ku kallahay qabuuraha qadiimiga ah ee Kerling, kuwaasoo ay qariyeen geedo. Qabuuro badan ayuu dhaafay ilaa uu uga dhawaaday dhinaca kale ee keynta, halkaas oo uu ku yaallo qabriga aabihiis.
“Qabriga xoogaa wuu baaba’ay waxaana ka dul baxay caws, balse dhagaxa ku qotamay ayuu ku xardhanaa sawirkiisa, waxaa kale oo ku qornaa magaciisa iyo taariikhada dhalashada ilaa dhimashada,” ayuu yiri Mr Thirumaran, oo intaas ku daray in ilaa xilligaas wixii ka horreeyay uusan weligiis arkin sawirka aabihiis, sida uu ukeeana wax fikrad ah ka heysan.
“Ardaydiisu waxa ay ii sheegeen inaan u ekahay isaga,” ayuu yiri.
Sheekada ninkan ayaa soo jiidatay Wasiirka maamulka Tamil Nadu MK Stalin, oo bartiisa Twitter-ka kuso qoray sida uu ula dhacay safarka Mr Thirumaran iyo qaabka loo caawiyay oo uu ku tilmaamay dhaqanka saxda ah ee dadka Tamil-ka.