Xulka England oo ka huleelay Koobka Adduunka, France oo u gudubtay semi-finals iyo Morocco oo taariikh u qortay Afrika ka dib markii ay 1-0 kaga badisay Portugal

0

Olivier Giroud ayaa dhaliyay goolka guusha ee xulka Faransiiska ee difaacanaya Koobka Adduunka, iyadoo ciyaar xiisa badan ay Faransiisku England ku garaaceen 2-1 kaga badiyeen. Xiddiga Harry Kane ayaa rigoore goor danbe loo dhigay ka qasaariyay xulkiisa.

Xulka Faransiiska ayaa wareegga afar dhammaadka la ciyaari doona xulka Morocco oo iyana maanta ka guuleystay xulka Portugal una gudbay semi-finalka.

Aurelien Tchouameni ayaa hogaanka u dhiibay Fransiiska qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Kane ayaa barbareeyay.

Daqiiqaddii 78-aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta ayuu Giroud madax ku dhaliyay goolkii labaad ee Faransiiska, halka Kane uu gafay goolkii labaad ee barbarrada noqon lahaa. Sidaasi ayayna xulka England uga hareen ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda Qadar.

Morocco ayaa noqotay dalkii u horreeyey ee Afrikaan ah ee gaara wareegga afar dhammaadka (semi-final ee Koobka Adduunka ka dib markii Youssef En-Nesyri uu qeybtii hore ee ciyaarta gool ka dhaliyay xulka Portugal ciyaar Sabtida maanta ah ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium.

Libaaxyada Atlas oo sidoo kale ah kooxdii ugu horeysay ee Carbeed ee u gudubta wareegga afar dhamaadka, ayaa Portugal ku daray liiska dalalka reer Yurub ee ay ka reebeen Koobka Adduunka.

Morocco ayaa hoggaanka ciyaarta u qabatay daqiiqaddii 42-aad markii uu En-Nesyri shabaqa ku hubsaday goolkii ay xulkiisa guushu ku raacday.

“Waxa aan ka hornimid kooxda adage e Portugal. Waxa aan ciyaarta ka hor u sheegay ciyaartoyda in ay tahay in aan taariikhda u qorno Afrika. Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu yiri Walid Regragui oo ah tababaraha xulka Morocco.

Xulka Morocco ayaa wajihi doona xulkii ka soo baxa ciyaarta goordhow dhexmari doona dalalka England iyo Faransiiska oo isagu difaacanaya koobka.

Morocco ayaa aaminsan in ay ka adkaan karto labada xul kii soo baxa maadaama intii uu Koobka Adduunku socday halmar oo kali ah gool laga dhaliyay.

AFP