Gabadh cadaan ah oo Canada ku dishay gabadh Soomaaliyeed oo xabsiga laga sii daayay
Â
Soomaalida dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabar Soomaali ah oo billowgii bishan lagu dilay magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada.
Qof lagu eedeeyay dilka ayaa markii dambe dammaanad lagu sii daayay, taasoo ka careysiisay bulshada Soomaalida oo hadda qorsheynaya dibad bax ay caddaalad ku dalbanayaan.
Dilka ayaa ka dhacay goob lagu caweeyo booliska ayaana weli baaraya sababta keentay geerida gabadhaas.
Abdinasir Cali Adan oo in kabadan 30 sano ku nool dalka Canada kana mida dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada somali ee dalkaasi ayaa Dilkaasi hooos ayaa loo dhigay oo wax yar aya lagasoo qaaday sababtoo ah ayuu yidhi Toban maalmood gudahood ayaa xoriyadii loo celiyay gabadhii dilka gaystay iyadooo lacag yar taqsiir ah laga qaaday,
booliiska baadhayay kiiskan dilka aha waa cadaan , maxkamada qaadaysayna waa cadaan xeer ilaalintu waa cadaan qofka dilka gaystay waa cadaan markaa soomaaliduna culays may saarin laakiin iminka ayaa lagu baaarugay oo mudahaaadyo ayaa laga dhigayaa waana cuslayn doonaa kiiskan dilka ah