Waa naadir in Donald Trump uu diro fariin la mid ah tan Barack Obama iyo Joe Biden – balse waxay dhacday markii Trump oo Jamhuuriga ka socda iyo labadan hoggaamiye ee Dimuqraadiga ah ay olole ka sameeyeen Pennsylvania hal maalin.
Raggan siyaasadda Cadawga ku ayaa dhamaantood waxay ku booriyeen dadka ku sugan sugan gobolkan muhiimka ah inay codeeyaan.
Biden iyo Obama ayaa doorashada ku tilmaamay dagaal dimuquraadiyadeed, halka Mr Trump uu sheegay in ammaanka iyo amniga dalka uu safka hore ku jiro.
Â
Doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka ee Talaadada ayaa go’aamin doonta xakamaynta aqalka Congress-ka ee labada xisbi.
Dhammaan 435-ta kursi ee golaha wakiilada ayaa lagu tartamayaa, halka 35 ay u tartamayaan golaha guurtida.
Gobolka Pennsylvania, waxaa ku tartamaya musharraxa Senet-ka Dimuqraadiga John Fetterman, oo 53 jir ah , iyo Mehmet Oz, 62 oo Jamhuuriga ku tartamaya. In labadii madaxweynaye ee hore ee Mareykanka iyo Madaxweyne Biden ay tagaan gobolk ka hor doorashada ayaa muujisay muhiimadda gobolka Pennsylvania.
Guushii Mr Trump uu ka gaaray Pennsylvania ayaa ka caawisay in tago Aqalka Cad sanadkii 2016-kii.
Isagoo ka hadlayay Philadelphia Sabtidii, Mr Biden wuxuu caddeeyay inay “wanaagsan tahay in gurigiisa la joogo”.
Wuxuu uga digay dadkii badnaa in ku guul dareysiga soo celinta aqlabiyadda Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiilada iyo Senatka ay la macno tahay xannibaado dheeri ah oo ku saabsan xuquuqda ilmo soo rididda iyo dhimista daryeelka caafimaadka bulshada.
In kasta oo Dimuqraadiyiintu ay hadda haystaan ​​labada aqal ee Congress-ka, haddana waxa la filayaa in ay waayaan Aqalka Golaha wakiilada iyadoo Aqalka senet-kana tartan adag ay wajahayaan, sida ay muujinayso ra’yi ururin la sameeyay.
Goobta ololaha, cod-bixiyayaashu waxay goor hore safaf dhaadheer u galeen inay arkaan laba madaxweyne – Mr Biden iyo madaxweynihii ka horreeyay ee Dimuqraadiga Mr Obama – oo hal masrax jooga.
Mid ka mid ah dadka reer Pennsylvania, oo la yirahdo Steve Phillips, ayaa u sheegay weriyaha BBC-da Sarah Smith inuu rajaynayo inay dadka u soo baxaan inay codeeyaan, iyada oo aan loo eegin xisbiga ay taageersan yihiin.
Laakiin qaar ka mid ah dadkii isku soo baxay ayaa qiray in runtii ay u yimaadeen inay arkaan Obama, lagana yaabo inaysan soo xaadirin haddii Mr Biden uu halkan joogi lahaa kaligiis.
Doorashada dhexe ee Mareykanka  ayaa inta badan loo arkaa afti loo qaadayo madaxweynaha xilka haya, Republicans-ka waxay haystaab wax badan oo ay ku naqdiyaan Biden maadaama dadka Mareykanka ay ka walaacsan yihiin sicir bararka, qoryaha iyo socdaalka.
Â
Galbeedka Philadelphia, Mr Trump wuxuu dadkii isu soo baxay uga digay ee reer Pennsylvania uga digay in sii socoshada xukunka Dimuqraadiga ee Washington ay horseedi doonto dambiyo badan iyo soo galooti aan xakameysnayn.
Taageerayaasha halkaas, ayaa sidoo kale, isugu soo baxay saacado hore si ay u arkaan Mr Trump.
“Haddii aad rabto badbaado adiga iyo qoyskaaguba, waxaad u baahan tahay inaad u codayso sidii qof kasta oo dimuqraadi ah uu xafiiska uga bixi lahaa,” ayuu yiri.
Mid ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa u sheegay RSBN, oo ah shabakad muxaafid ah, inuu halkaas u joogo inuu taageero Mr Trump sababtoo ah waxa uu yiri madaxweynihii hore ayaa gacan ka geystay hubinta in dadku ay “ku noolaan karaan nolol aan la xakameynin iyo sidoo kale waxa aan u baahanahay inaan sameyno”.
Cabsida iyo sheegashooyinka beenta ah ee musuqmaasuqa ayaa hareeyay doorashooyinka xilliyada dhexe, iyadoo dad badan ay ku doodayaan in 8-da Nofembar codeynta ay tijaabo u noqon doonto hiufnaanta nidaamka doorashada.