Majaladda Forbes ee soo bandhigta dadka ugu qanisan caalamka ayaa todobaadkan soo saartay liiska 13-ka qof ee caanka ah ee helay lacagta ugu badan adduunka kadib dhimashadooda.
Dadkani waxaa ka mid ah ciyaartooyda, fanaaniin iyo mijaajiilastayaal iyo qoraa, kuwaasi oo aan hadda dunidan joogin oo mar hore dhintay, balse uu soo galay dakhli ka badan 10 milyan oo doolarka.
wargeyska ayaa bilaabay baaritaanka arrimaha dhaqaalaha ee dadka caanka ah ee dhintay sanadkii 2001. Sida laga soo xigtay majaladda, dakhliga dadka caanka ah ee dhintay sanadkan wuxuu kordhay 72% marka loo eego sanadkii 2021, taasi oo ah rikoor cusub.
wargeyska wuxuu qiimeyay tilmaamayaasha canshuurta iibka, wareejinta iyo heshiisyada shatiyada si loo ururiyo liiska.
Qiimeyntan waxay sidoo kale wareysiyo lals yeeshay khubarada waaxdan ku jira.
Qoraaga ugu caansan ee liiska ku jira ayaa ah JRR Tolkien oo ah ninka qoray sheekooyiinka shaac baxay sida ‘Lord of the Rings’ iyo ‘The Hobbit’.
JRR Tolkien oo macalin ka ahaa jaamacada Oxford wuxuu dhintay 1973, laakiin waxaa wali sii socda dakhli ka soo xaruuda xuquuqda daabacaada filimada, muuqaalada ay caruurta ku ciyaaraan iyo sheekoyiinkiisii kale ee ku saleysanaa khiyaaliga.
Qoraaga Tolkien waxaa ku xiga xiddiga kubbadda koleyga Kobe Bryant. Saamigii uu ku lahaa shirkadda cabitaanka isboortiga ee Body Armor waxaa iibsatay Coca-Cola, isaga oo faaiday $400 milyan oo doollar.
Bryant ayaa ku dhintay Santa Monica, oo ka tirsan gobolka California bishii January 2020 ka dib markii diyaaradii uu saarnaa ay burburtay.
waxaa kaalin saddexaad soo galay fanaankii caanka ahaa ee David Bowie oo ay u soo xarootay 250 milyan oo doolar. Waxa sidoo kale liiska ku jira Michael Jackson oo dhimashadiisa ka dib sameeyay lacag dhan 7 milyan oo doolar.
Ma jiraan dumar lagu daray liiskan, halka kaliya xiddiga heesaha ee Mexico Juan Gabriel uu kaga jiro liiska xiddigaha Latin America.
waa kuwan qaar ka mid ah dadka liiska ku jira
JRR Tolkien: (wuxuu dhintay – 1973)