Saddex arrin oo layaab leh oo ku saabsan xaaska Raysul Wasaaraha cusub ee UK

0

Hindiya waxaa aad looga hadal hayaa sida uu Rishi Sunak ugu guuleystay in uu noqdo Raysul Wasaaraha Britain, balse taas kaliya ma aha waxa laga hadlayo.

Xaaskiisa Akshata Murty waa gabadha bilyaneer Hindi ah oo lagu magacaabo Narayana Murthy, kaasoo ka mid ah ganacsatada ugu caansan dalkaas oo xitaa lagu naaneyso Bill Gates-ka Hindiya.

 

Haddaba waa tuma xaaska raysul wasaaraha UK?

Kuwani waa dhowr arrimood oo ku saabsan taariikh nololeedkeeda iyo waxyaabaha gaarka u ah.

Canshuur la’aanta hantideeda dibadda

Ms Murty oo aabbeheed la wadaagta hanti badan ayaa indhaha caalamka soo jiidatay horaantii sanadkan ka dib markii ay heshay mudnaanta ah ineysan ku khasbaneyn bixinta canshuuraha dhaqaalaha ay ka hesho meel ka baxsan UK.

Markii dambe ayey oggolaatay in ay dowladda UK siiso canshuurta dakhligeeda dibadda kasoo xarooda.

Mar kale ayey hadda qabsatay indhaha warbaahinta caalamiga ah iyo shacabka Hindiya, xilli maanta uu ninkeeda la kulmayo Boqor Charles.

Waxay dhalatay qoyskeeda oo sabool ah

Inkastoo ay qoyskeeda aad u hanti badan yihiin, Ms Murty waxay nolosheeda kusoo billaabatay duruuf adag.

Warqad uu aabeheed u diray, oo la daabacay sanadkii 2013-kii, ayuu uga sheekeeyay xasuusta ku saabsan in markii uu soo gaaray warka loogu sheegayay inay ku dhalatay Hubli, bishii April ee sanadkii 1980.

Waxa uu sheegay in warka dhalashada gabadhiisa uu u soo sheegay qof ay shaqo wadaag ahaayeen, maaddaama xilligaas aysan qoyskan awood dhaqaale u lahayn in ay isticmaalaan telefoon.

“Hooyadaa iyo aniga xilligaas waxaan ahayn dhallinyaro, waxaana la daalaa dhaceynay inaan cago fiican ku istaagno oo aan xirfaddeenna ku shaqeysanno,” ayu uku qoray warqadda.

Markii ay dhowr bilood uun jirtay, Ms Murty waxaa loo diray iney la noolaato awowgeeda dhanka aabbe, xilli hooyadeed, Sudha Murty iyo aabbeheed ay xirfaddooda ku hormarinayeen magaalada Mumbai.

Hal sano ka dib, Mr Murthy waxa uu qeyb ka noqoday aasaaska shirkadda Infosys oo ah shirkad IT, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu taajirsan Hindiya.

Waalidiinta Ms Murty oo horumar weyn sameeyay waxa ay sidoo kale xoogga saareen in ay ku dadaalaan wax baridda carruurtooda oo labo ah.

Mr Murthy waxa uu sheegay in guriga qoyskiisa uusan oollin TV si waqti loogu helo “waxyaabaha ay ka mid yihiin aqrinta duruusta, doodaha wax barashada iyo la kulanka saaxiibbada”.

Iyadu waxa ay baratay cilmiga dhaqaalaha iyo luuqadda Faransiiska, oo ay ka dhigatay machad ku yaalla gobolka California ee dalka Mareykanka.

Ms Murty waxa ay markaas ka dib shahaadada diploma-da ku qaadatay dugsi lagu barto culuumta dharka. Ka dib waxa ay culuumta MBA ka dhigatay Jaamacadda Stanford.

Isla jaamacaddaas ayey isku barteen Mr Sunak. Lamanaahan waxa ay is guursadeen sanadkii 2009, waxayna isu dhaleen labo gabdhood.

Ganacsigeedii durba burburay

Haweeneydan 42 jirka ah waxa ay wax barashada xirfaddeeda dhinaca maaliyadda ka billowday California ka hor inta aysan furanin shirkad iyada u gaar ah, oo la yiraahdo Akshata Designs, taasoo dharkii ugu horreeyay soo saartay sanadkii 2011.

Hase yeeshee wargeyska Guardian ayaa tebiyay in ganacsigaas u uku burburay saddexdii sano ee ugu horreysay gudahooda. Ganacsiyo kale oo kaas ka dambeeyay ayeyse ku guuleysatay.

Sanadkii 2013 ayey iyada iyo ninkeeda isla aasaaseen shirkadda offshoot of Catamaran Ventures oo fadhigeedu yahay London.

Ms Murty waxa ay sidoo kale agaasime ka tahay shirkadda Digme Fitness, oo ka shaqeysa jir dhiska.

Ilaa hadda, Ms Murty uma muuqato in ay raadineyso hadal-heynta warbaahinta balse waxaa kusoo jiiday wararkii ugu dambeeyay ee la isla dhex maray.

Hase ahaatee, ninkeeda oo hadda ku fariista kursiga ugu sarreeya ee siyaasadda Britain ayaa sabab ugu noqonaya in wararkeeda aad loo sii xiiseeyo.