Shabakad dhuumo shidaal oo sharci-darro ah ayaa daaha laga rogay, kuwaas oo ku yaalla gobolka Delta ee dalka Nigeria, waxaana sidoo kale la ogaaday baaxadda xadidda shidaalka ee dalkaas ka jirta. Arrintan oo noqotay tan ugu yaabka badan waxyaabaha ugu saameynta xun ee ka jira Nigeria laakiin, faa’iidooyin badan ayaa laga helaa howsha shidaalka.
Gobolka Delta, tuugada ayaa sameysatay dhuun shidaalka qaadda oo iyaga u gaar ah, waxayna ka sameeyeen dhul xeebeed gaaraya 4 km oo dhex mara dhul aad loo ilaaliyo oo teedsan ilaa badda Atlantic.
Wax-soo-saarka shidaalku wuxuu hoos uga soo dhacay 2.5 milyan oo barmiil maalintii, oo uu ahaa sanadkii 2011, wuxuuna gaaray wax yar in ka badan hal milyan oo barmiil bishii Luulyo ee sanadkan 2022, sida ay sheegeen hay’adaha qaabilsan arrintan.
Maamuleyaasha ayaa sheegay in in ka badan 3.3 bilyan oo doollar ay ku luntay shidaalka la xaday tan iyo sanadkii hore, xilli shidaal soo-saareyaasha kale ay heleen lacago ka soo galay shidaalka, xitaa Nigeria ma buuxin karto xaddiga shidaalka ee loo qoondeeyay in ay soo saarto.
Halkaas waxaa taga doonyo iyo baabuur lagu raro shidaal la soo xaday oo lagu soo saaray riig 24 feet ah oo meelo fog laga arki karo dhinaca biyaha furan.
Shidaal ceyriin ah ayaa ah kan ugu badan ee dibedda ay u dhoofiso Nigeria, laakiin soo-saarista iyo daqliga waxay ahaayeen kuwa hoos u soo dhacayay sanado badan, taas oo ay sabab u yihiin tuugada, sida ay mas’uuliyiintu sheegayaan.
Dalku ma bixin karo lacagta ku luntay xatooyada. Waa dal ay saboolnimo ba’an ka jirto lacago badanna lagu leeyahay.
Dad badan ayaa sheegaya in dhuumaha shidaalka ee sharci-darada ah ee dhowaan la helay ay xaqiijineyso shaki muddo badan taagnaa oo ku saabsan musuqmaasuq ballaaran oo ka jira dhinaca shidaalka, halkaas oo ay yar tahay caadyaalnimada ka jirta.
Shidaalka Nigeria wuxuu leeyahay taariikh qoran oo wax is daba marin ah, marka la eego qorsheyaal aan dhammaaneyn oo hoose, kuwaas oo la xiriira shidaalka, isla markaana qofna aanu si dhab ah u ogaan karin inta la soo dejiyay iyo meeleynta qarsoodiga ah ee goobaha sahminta shidaalka. Arrintan qarsoodiga aheyd ee dhuumaha shidaalka sharci-darrada ah waxaa soo bandhigay shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraasleyaal dhinaca ammaanka ah ay leeyiiin, taas oo kor u sii qaadday carada laga qabay arrintaas.
Caaqilka 51 jirka ah ee Boqortooyada Gbaramatu ee qaniga ku ah shidaalka ee Gobolka Delta ayaa hore ugu lug lahaa qarxinta isla dhuuntaas shidaal, haatan isaga ayaa ilaalinaya kaddib murankii qandaraas gaaraya 48 bilyan oo lacagta Nigeria ah oo u dhiganta 110 milyan oo doollar oo ka yimid dowladda dhammaadkii bishii Agoosto.
Waxaa lagu doodaa ninkii maleeshiyada Nigeria dhinaca shidaalka ugu taajirsanaa in uu ahaa ninkii dalkaas loogu doondoonista badnaa iyo in uu iibiyay qeyb maraakiibta dagaalka ee dalkaas ah.
Waxaa kale oo uu yaqaannaa Juqraafiga gobolka Niger Delta, ceelasha shidaalka iyo dhuumaha rasmiga ah, sidaas ayayna dad badan u rumeysan yihiin hadalladiisa ku saabsan aqoonsiga tuugada.
Inta badan dadka ka shaqeeya ammaanka ayaa ku lug leh sababtoo ah ma jirto si aad ku rari karto gaari adigoo aan laaluushin dadka ammaanka ka shaqeeya ee gobolka, ayuu u sheegay telefishin.
Wuxuu sheegay in shidaalka intiisa badan laga xaday meelaha ay ciidamadu joogaan, lagana heli karo goobo baaris oo ay leeyihiin ciidamada badda.
Militariga kama jawaabin eedeymahaas, laakiin waxay u muuqataa in ay is cad ula doodi doonaan nin ay leeyihiin saaxiibtinnimo, kaas oo u xilsaaran in uu la socdo xatooyada shidaalka.
Madaxa Gaashaandhigga Nigeria, Lucky Irabor ayaa qeyb ka ahaa koox booqatay raadka keliya ee tuugada, iyadoo ay ilaalinayaan dad ka tirsan kooxda Tompolo, waxayna sheegeen in arrintan ay tahay waxa ay ugu yeereen indho-kala-fur, waxayna ballan-qaadeen in baaris la sameyn doono.
Ma aha markii uu horreysay ee hay’adaha ammaanka ee Nigeria gaar ahaan dadka ugu sarreeya ciidanka lugta iy badda farta lagu fiiqo, marka loo eego arrin ku saabsan xatooyada shadaalka.
Bishii Jannaayo, Nyesom Wike, Guddoomiyaha gobolka deriska la ah gobolka Rivers ayaa sheegay in taliye ciidan uu ku lug yeeshay xaatooyada shidaalka ee deegaanka Emuoha ee gobolka, waxaana la doonayay in shaqada laga ceyriyo.
Sanadkii 2019, Wike waxa uu eedeeyay taliye sare oo ciidanka ah oo ka qeyb galay xadista shidaal aad u badan oo ka dhacday gobolka, taas oo la dafiray.
Musuqa xaddigan leh ayaa si toos ah u dhacaya iyadoo uu talada hayo Madaxweyne Muhammadu Buhari oo ku soo laabanaya wasiirkiisa shidaalka oo xagal-daacinaya mowqifkiisa in uu la dagaallamayo musuqa.