Is-rasaasayn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Jigjiga

0

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ku dhaawacmeen is-rasaasayn gegida diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga ku dhex martay ciidanka ilaalada garoonka.

 

Qofka dhintay ayaa ahaa xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsan baarlamaanka gobolka Soomaalida, balse xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed , waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Dadka dhaawaca ah ee la xaqiijiay waxa ku jira xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Gaaruf.

Dadka khasaaruhu soo gaadhay ayaa ka dhoofayay garoonka.

Madaxa booliska deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in askari ka tirsan ciidanka ilaaladu uu rasaas ku furay dadka rakaabka ah ee safrayay.

Waxa uu sheegay in ay wadaan baadhitaanno ku saabsan sida ay wax u dhaceen islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen askarigii dhibka gaystay. Waxa uu sidoo kale xusay in xaaladdu ay hadda caadi ku soo laabatay.

Amniga garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxa ilaaliya ciidanka federaalka ee Itoobiya.

Warkan waxaa soo diray wariyaha VOA ee Jigjiga Maxamed Cabdiraxman Ugaas (Gaataa).