Maxay Hay’adda Atoomikada ku soo aragtay warashadda nukliyeerka ee uu Ruusku haysto?

0

Madaxa Hay’adda Atoomikada ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu sheegay in warshadda nukliyeerka ee Ukraine ee Zaporisha lagu xadgudbay dhowr jeer, arrintaas oo ka dhalatay buu yiri dhaqdhaqaaqa milateri ee halkaas ka jira.

Rafael Grossi ayaa warshaddaasi waxa uu booqday maalintii Khamiista aheyd, haatanse waxaa goobta ku sugan lix kamid ah kooxdiisa.

Rafael Grossi ayaa si taxadar leh u dooranayay ereyadiisa shirka jaraa’id, isagoo si cad u doonaya inuusan ka careysiin Ruushka iyo Ukraine midkoodna.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in intii uu ku guda jiray booqashadiisa warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub ee Zaporizhzhia ay u suuragashay inuu arko wax kasta oo uu codsaday in la tuso.

Meelaha la tusiyay madaxa Hay’adda Dabagalka Nukliyeerka  ee Qaramada Midoobey Rafael Grossi ayaa waxaa ka mid ah qolka laga hago warshadaasi oo uu sheegay in ujeeddo kale ay u  isticmaaleen militariga Ruushka.

Shaqaalaha Ukraine oo warshada wali ku sugan ayuu sheegay in ay shaqo wanaagsan qabteen, iyada oo ay jirto xiisadda halkaasi ka taagan.

Hay’adda  dabagalka niyukleerka ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigtay sawirrada booqashada ay ku tageen warshadda niyukleerka, waxayna sheegtay in laba ka mid ah khubarada hay’adda ay ku hari doonaan goobta si ay xaaladeeda ula socdaan.

Madaxa hay’adda dabagalka niyukleerka ee Qaramada Midoobey Rafael Grossi Waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inay imika laba kormeere ay  halkaas joogaan ilaa amar dambe taas oo sahleysa in aan la duqeeyn warshadda.