Xoogagga Tigrayga, ee gobolka woqooyiga Itoobiya ee ay xurguftu ka taagan tahay, ayaa ku eedeeyay dowladda iyo xulafadeeda inay bilaabeen weeraro ka dhan ah iyaga oo jabinaya xabbad joojintii bini’aadannimo ee la gaarey bishii Maarso.
Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan eedeyntan. Si kastaba ha ahaatee waxaa jirta cabsi laga qabo in tani ay horseedi karto dagaal hor leh kaas oo kaga sii dara xaaladda bini’aadinimo ee ka taagan gobolka oo markii horeba aad u liidatay.