Taliska Ciidamada Fallaagada Tigreeda ee TPLF ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeeyay in weerar ay u adeegsadeen taangiyo iyo madaafiic ay ciidamadooda ku soo qaadeen.
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska fallaagada ayaa lagu sheegay weerarka in weerarka uu 15-kii bishan ka dhacay aagga Dedebiit. Weerarka oo saacad socday ayay xuseen inay ciidamada Itoobiya u adeegsadeen hubka culus.
Balse, dowladda Itoobiya ayaan wax jawaab ah ka bixin eedda ay u soo jeedisay fallaagada TPLF.
Ilaa iyo hadda dhanka dowladda Itoobiya wax war ah oo ku saabsan eedda fallaagada TPLF ay u soo jeedisay ciidamadooda kama soo bixin.
BBC-da oo isku dayday inay jawaab ka hesho laamaha xukuumadda Addis Ababa ee ay khuseyso uma suuragelin.
Dagaalka Gobolka Tigreega ayaa istaagay kaddib markii labada dhinac ay bishii Maarso gaareen heshiis xabbad-joojin ah oo looga gol leeyahay howlaha bani’aadannimada.
War-saxaafadeedka taliska militariga TPLF ayaa lagu sheegay inuu wali dhanka ciidamadooda ka jiro rabitaan nabadeed, laakiin weerarka lagu soo qaaday uu ku qasbi doono “inay xoog ku xoreeyaan Galbeedka Tigray si ay dib ugu soo celiyaan dadkii halkaas ka barakacay”.
“Fallaagadu waxay sheegtay in aysan marnaba aqbaleyn shirqoolka ciidan iyo midka siyaasadeed ee uu wado hoggaanka Itoobiya ee ay ku doonayaan Galbeedka Tigraay in uu ka dhigo dhul aan deegaanka Tigraay hoos tagin,” ayaa lagu yiri war-saxafadeedka ka soo baxay taliska ciidamada Fallaagada TPLF.
Heshiisiinta labada dhinac
Si loo joojiyo dagaalka oo waqooyiga Itoobiya ka socda ku dhawaad labaatan bil, waxaa socda dadaallo uu ay in muddo ahba wadeen Midowga Afrika, Mareykanka iyo waddamo kale.
Dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Itoobiya oo aan miradhal noqon haddana wixii ka dambeeyay marki la gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo loogu talagalay inuu fududeeyo gargaar bani’aadannimo in la gaarsiiyo deegaanka Tigraay waxaa muuqda yididiillo wanaagsan.
Hase yeeshee, TPLF wadahadalka nabadeed waxay ku xirtay in deegaanka Tigraay loo fasaxo dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee istaagay inti uu dagaalku socday.
Adeegyadaas oo isugu jira isgaarsiinta, bankiyada, gaadiidka cirka iyo dhulka, korontada iyo biyaha.
Xukuumadda Addis Ababa oo aan weli ka jawaabin codsiga TPLF ayaa ku adkeysaneysa inaysan marnaba aqbaleyn wax shuruud ah oo lagu xiro wadahadal labada dhinac u billowda.
Guddiga wadaxaajoodka uga qaybgalaya dowladda Itoobiyana wuxuu sheegay si adeegyada aasaasiga ah oo dhan loogu fasaxo deegaanka Tigraay in ay lagama maarmaan tahay inay labada dhinac muddo gaaban ku gaaraan xabbad-joojin dhammeystiran.
“Warka ka soo yeeray guddiga wadahadallada nabadeed ku matalaya dowladda Itoobiya waa mid aan waxba ka jirin oo beesha caalamka lagu marin-habaabinayo,” ayuu yiri Getachew Reda oo ka mid ah xubnha sare ee fallaagada TPLF.
Midowga Afrikana wuxuu shaaciyay wadahadallada nabadeed ee u dhaxeeya Addis Ababa iyo TPLF in si degdeg ah loo billaabayo, halka lagu qabanayo iyo xilliga la qabanayana uu ka shaqeynayo.
Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Fallaagada Tigraay ee TPLF waxay horay u sheegeen inay wadahadal diyaar u yihiin iyaga oo shaaciyay guddiyadii uga qayb gali lahaa wadahadallada nabadeed ee la filayo inuu labada dhinac u billowdo, hormuudkana uu ka yahay Midowga Afrika.