Canada oo walaac ka muujisay tirada u dhimata isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooyinka iyo daroogada

0

CANADA – Dalka Canada, waxaa ka jira walaac ku saabsan dadka u dhimanaya isticmaalka xad-dhaafka ah ee daroogada iyo dawooyinka. Intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2021 waxaa la sheegay in illaa 29,052 qof ay u dhinteen isticmaalka qaldan ee dawooyinka.

Gobollada British Columbia, Alberta iyo Ontario oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Canada ayaa ka mida meelaha ugu badan ee dhimashadaas laga diiwaangeliyey, inkastoo bulshada Soomaalida ee dalka Canada ku nooli ay ilaa iyo hadda ka badqabaan halistan, haddana waxey ka mid yihiin bulshooyinka walaaca ka qaba in dhibaatadaasi ay soo gaarto.