Maleeshiyaadkii Alshabaab ee gudaha u galay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa la sheegay in ciidamada liyuu booliska ay ku hareereeyeen degaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer.
Â
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo ku dhow labo cisho.
BBC-da oo la xiriirtay laamaha amniga ee Dowlada Deegaanka ayay u sheegeen in xoogagga taabacsan Al-shabaab lagu hereereyay aagga Huluul lee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in ilaa gabal-dhicii shalay uu socday dagaalka, 16-gaadiid oo ay wateena ay ka carareen marka laga reebo toddoba gaari oo ay gubeen.
Ciidamada Liyu Booliska ayaa dhankooda sheeganaya inay guulo gaareen iyadoo dhanka Al-shabaab aysan jirin wax faah-faahin oo dagaalkan ku saabsan oo ka soo baxay.
Maleeshiyadka gudaha u soo galay Dowlad Deegaanka ayaanan ilaa haatan la ogeyn halka ay ku wajahnaayeen iyo u Jeeddadooda rasmiga ah.
Hase yeeshee waxaa xusid mudan in hadda ka hor howgal ay ciidamada Liyu Booliska ka fuliyeen tuulo la yirahdo Hilo Madow oo ka tirsan degmada Ceel Karri, halkaas oo Liyu Booliska ay ka soo saareen god weyn oo uu ku aasnaa noocyo kala duwan oo hub ah sidoo kalana ay soo qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab marka waxay u muuqataa in soo gelitaankooda uu la xiriiro dhacdadaasi.
Â
Ilaa haatan ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya oo si rasmi ah uga hadlay weerarka Al-shabaab ay ku ekeyeen dowlad degaanka Soomaalida.
Balse waxaa cambaareyay mas’uuliyiinta ururada iyo Xisbiyada Mucaaradka sida ONLF iyo Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta.
Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqay in Xukuumaddiisu muhiimad gaar ah siiseynso dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka.
Kooxda Alshabaab ayaa inta badan lagu eedeeyaa amni-darrada Soomaaliya.
Dhanka kale bishii febaraayo ee sannadkii 2020-ka ayuu raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse “laamaha amniga ayaa fashiliyeen”.
Soomaaliya ayaa xaalad cakiran ku jirtay muddo 30 sano ah. Markii Midowga Afrika (AU) uu go’aansaday inuu ciidamo loogu magac daray AMISOM u diro Soomaaliya sanadkii 2007, dalka Itoobiya wuxuu ka mid noqday dalalka ciidamadiisa ku biiriyay.