Ii saxiix Pizza isbuucle ah: Sheekada maadeysiga dhalisay ee Pizza-da iyo nikaaxa la yaabka leh ee ka dhacay Hindiya

0

Heshiiska guurka ee ay galeen lamaanahan waa mid weyn oo ay dadku aad u hadal hayeen.

Laakin muuqaal laga soo duubay heshiis ay lammaanahan Hindiga ah kala saxiixeen oo uu dhowaan arooskoodu dhacay, ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada.

Tan iyo markii lagu baahiyay barta Instagram-ka 22-kii Juun, maalin ka dib arooskooda, muuqaalka oo keliya ahaa 16 ilbiriqsi oo ay warqadda ku kala saxiixdeen ayaa waxaa la daawaday 45 milyan oo jeer.

Waxaa jiray lammaanayaal kale oo horey arooskooda heshiisyo u kala saxiixday, laakiin dareenka muuqaalkan ugu dambeeyay ayaa waxa dadka soo jiitay ah heshiiska ay galeen ee ah in toddobaadkiiba hal Pizza ah uu gado ninka gabadha guursaday.

Aroosaka oo 24 sano jir ayaa saaxibadiisa waxa ay sheegeen inuu aad u jecel yahay Pizza sidaa darteedna ay gacalisadiisa heshiis kula galay markii uu arooska dhacayay in 1 Pizza ah la cuno toddobaad kasta.

Lamaanahan ayaa kulmay shan sano ka hor markii ay ku biireen hal fasal oo ay ka baranayeen maaddada  ganacsiga waxayna isla markiiba isku arkeen guruub WhatsApp-ka ah. Maalin maalmaha ka mid ah, markii uu seegay casharka ayaa waxa uu weydiistay caawimo, ka dibna Mintu waxay aqbashay inay caawiso.

Sidaasi ayayna saaxiibo ku noqdeen oo wada sheekeysi ayay bilaabeen. Waqti ka dib, jacaylkooda ayaa waxa uu soo shaac baxay bishii Febraayo ee sannadkii 2018, lammaanahan ayaa markaasi bannaanka casho u aaday waxyna tageen makhaayad markii ugu horreysay iyagoo is jecel.

“Waxaan qaadanay maaddadii ugu dambeeysay ee maalintaas, waxaana tagnay maqaayad pizza lagu iibiyo  oo markaasi aan sidaa inooga fogeyn. Waan ogaa inay tahay inaan u qaado pizza, sababtoo ah wuxuu had iyo jeer ka hadli jiray pizza,” ayay tiri Mintu, oo dukaanka alaabta elegtaroonigga ku leh magaalada.

Shanti ayaa intaa ku daray, “Aad ayaan u jeclahay pizza, waxaana mar walba dhihi lahaa aan tagno oo aan soo cunno pizza.”

Laakiin in muddo ah ka dib, Mintu oo “sidoo kale jecel pizza laakiin aan cuni karin maalin kasta” ayaa bilowday cabasho.

Lammaanaha ayaa sheegay in aysan waligood ku dagaalamin cunto – ” ilaa hadda laakiin Shanti wuxuu yiri “waxay had iyo jeer u dacwoon jirtay saaxiibbadeeda, waxay sheegi jirtay sida ay uga xanaaqday in ay had iyo jeer cunayso pizza wuxuuna hadlkaasi noqoday kaftan u dhexeeya dhammaan asxaabtayada.”

“Jaceylka uu u qabo pizza ayaa ah midka aad u badan marka laga soo tago kan Mintu uu qabo. Waxaan u maleynayaa inuu ka fekero pizza waqtigiisa firaaqada iyo xitaa marka uu hurddo,” ayuu yiri Raghav Thakur, oo saaxib la lammaanaha.

“Tan iyo markii aan Jaamacadda ku kulanay 2017-kii, waqti badan ayaan isla qaadanay, aad ayaana isugu soo dhawaannay, waxaan aragnay sida jacaylkooda uu soo shaac baxay, waxaana rabnay inaan sameyno wax gaar ah, oo lagu xasuusan karo markii ay is guursadeen,” ayuu u sheegay BBC.

“Sidaas darteed, fikrado ayaan isu geynay kooxdayada waxaana la nimid siddeed qodob oo aan u maleynay inay lammaanahan ka faa’iidi doonaan.”

Qandaraaska oo la qaabeeyey toddobaad ka hor guurkooda, waxaa ku jiray shuruudo kale oo badan waxaana ka mid ahaa

– Waa inuu seeyga kariyaa quraacda maalinta Axadda ah, waa inuu soo dukaameysto 15 maalmood oo kasta ka dib.

Wuxuu tagi karaa xafladaha habeenkii iyada oo ay weheliso xaaskiisa.

“Wax fikrad ah kama aan haysan in saaxiibadeen ay tani noo qorshaynayeen laakin markaan aragnay waan ku qanacnay waxayna ka dhigantahay in saaxibadayada ay fiican inoo garanayaan,” ayay tiri aroosadda.

Markaasi ka dib Lamaanuhu waxay diyaariyaan qandaraaska si ay derbigooda ugu dhejiyaan.