Boosaaso —
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in iska horimaad uu ka dhacay garoonka diyaaradaha kaasi oo dhaxmaray ciidamada badda ee PMPF ee garoonka amnigiisa gacanta ku haya iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan PSF.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jiraan dad wax ku noqday rasaasta la is-weydaarsaday.
Murankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay qaabilaadda diyaarad mucaawino sidda oo ka timid magaalada Muqdisho, taasi oo ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Sacdiya Yaasiin Samatar.