Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa faahfaahisay sida ay Mareykanku howlaha basaaska ugu adeegsan jireen Shimbiraha, intii uu socday dagaalkii qaboobaa ee ay kula jireen Midowgii Soviet.
Feylasha lasoo bandhigay ayaa muujinaya sida nooc ka mid ah Shimbiraha oo Soomaalida qaar ay u yaqaannaan ‘qooley xamaam’ loogu tababari jiray inay howlgallo basaas ah kasoo sameeyaan xarumo laga heli karo xogo sir ah oo xasaasi ah, kuwaasoo ku yaalla gudaha dhulkii uu gacanta ku hayay Midowgii Soviet ee uu horkacayay Ruushka.
Shimbirahan ayaa sawirro muhiim ah kasoo qaadi jiray meelo loogu tala galay inay si qarsoodi ah ku tagaan, sida warbixintan CIA-du ay sharraxday.
Xogtan shaaca laga qaaday ayaa sidoo kale lagu sheegay faahfaahin buuxda oo ku aaddan sidii Shimbirka Tukaha loogu dhiibi jiray qalabka codka gudbiya, kuwaasoo ay ka ridi jireen daaqadaha xafiisyada la basaasayo, iyo waliba qaabkii xayawaanka loo yaqaanno Hoon-baro ee badda ku jira loogu tababari jiray howlgallada biyaha hoostooda ah.
Taliska CIA-da ayaa aaminsanaa in xayawaannadan ay fulin karaan shaqooyin aad u culus oo muhiim u ah howlaha sirdoonka Mareykanka.
Gudaha saldhigga CIA-da ee magaalada Langley ee gobolka Virginia waxaa ku yaalla madxaf aan dadweynaha loo oggoleyn inay booqdaan, kaasoo la rumeysan yahay in waxyaabo badan oo sir ah ay ku keydsan yihiin.
Wariye ka tirsan BBC-da oo halkaas u tagay inuu soo wareysto agaasimihii hore ee CIA-da ayaa kusoo arkay waxyaabo qeyrul caadi ah oo u muuqda inay yihiin qalabka codadka duuba iyo agab kale oo basaaska loo isticmaalo.
Sanadihii 1970-meeyadii, howlgallada basaaska ee Mareykanka magaciisa sirta ah wuxuu ahaa Tacana qeybo badan oo ka mid ah shaqooyinkiisana waxaa qaabilsanaa shimbiro isticmaalayay kaamirooyin fudud oo si loo diyaariyay u qaada sawirro, sida maclluumaadka la shaaciyay ay muujiyeen.
Waxay CIA-du ka faa’iideysatay nooc ka mid ah Shimbiraha oo awood cajiib ah u leh inay sameeyaan waxyaabaha qaar ee aysan Shimbiraha kale garan karin.
Sidoo kale Shimbirahan ayaa awood u leh inay dib ugu soo laabtaan meelaha ay ka tageen, xitaa haddii ay ka fogaadaan boqollaal meyl.
In Shimbirahan loo adeegsado dhinaca Isgaarsiinta waxay soo billaabatay kumannaan sano ka hor, laakiin xilligii dagaalkii koowaad ee adduunka ayaa la billaabay inay u adeegaan hayadaha sirdoonka.
Xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka, hay’ad Sirdoon ah oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa Shimbiro u adeegsatay inay macluumaad kasoo qaadaan dhulkii Yurub ee la heystay.
In ka badan 1,000 shimbirood ayaa dib ula soo laabtay farriimo ay ku jiraan xogo aad muhiim ah oo ku saabsan habka ay u shaqeeyaan gantaallada V1 iyo waliba macluumaad kale oo la xiriira xarumaha isgaarsiinta ciidamada ee Jarmalka.
Feylasha ay shaacisay CIA-da ayaa lagu qeexay in Mareykanku ay howlo badan oo sirdoonka dhinaca badda ah u adeegsan jireen Hoon-baro-da.
Ilaa xilliyadii dambe, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa xayawaankaas u isticmaalayay inuu u baaro miinooyinka lagu qariyo biyaha hoostooda.
Hase yeeshee Shimbiraha ayaa loo kala diri jiray dhul aad u fog oo ciidanka aysan si sahlan ku gaari karin.
Inkastoo xogtan faahfaahsan lasoo bandhigay, haddana wali waxaa sir ah tirada howlgallada ay Shimbiraha ka qeyb qaateen iyo waliba nooca ay ahaayeen sirihii ay heleen.