Taliyaha cusub ee ciidamada Ingiriiska ayaa soo saaray qaylo dhaan xooggan oo uu u jeediyay ciidamada – isagooka dalbaday inay u diyaar garoobaan inay Ruushka ku wajahaan dagaal fool ka fool ah.
Janaraal Sir Patrick Sanders, oo shaqada bilaabay toddobaadkii hore, ayaa dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha rayidka kula hadlay fariin 16-kii Juun uu u diray oo ay BBC-da aragtay.
Duullaanka Ruushka ee Ukraine wuxuu muujinayaa baahida loo qabo “in la difaaco UK sidaa darteed waa in diyaar loo noqdaa in Ruushka ay la dagaalamaan oo ay kaga guuleystaan ​​dagaallada dhulka”, ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray in Ciidanka iyo xulafadu ay hadda tahay in ay “ka adkaadaan Ruushka”.
Illo dhanka difaaca ah ayaa u sheegay weriyaha dhanka difaaca ee BBC Jonathan Beale inay farriintan jirto ayna tahay mid loogu talagalay inay ku ekaato Wasaaradda Difaaca balse waxay sheegeen inay ahayd arrin aan la yaab lahayn inuu taliyaha sidaa u hadlo.
‘Harka dagaalka dhulka’
Janaraal Sir Patrick waxa uu fariinta ku xusay in uu yahay Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Guud “tan iyo 1941-dii ee hogaamiya dagaal la mid ah kii loo yaqaanay harkii dagaalkii dhulka ee Yurub oo ay ku lug lahaayeen quwad weyn oo qaaradeed”.
Wuxuu intaas ku daray: “Weerarka Ruushka ee Ukraine wuxuu hoosta ka xariiqayaa ujeeddadayada asaasiga ah – si aan u ilaalino UK iyo inaan diyaar u nahay inaan la dagaallano oo aan kaga guuleysanno dagaallada dhulka – waxayna taasi xoojinaysaa shuruudaha lagu joojinayo gardarrada Ruushka ee khatarta badan.”
Waxa uu sidoo kale xusay “Caalamku waa isbedelay ilaa 24-kii Febraayo, waxaana hadda jirta muhiimad ah in la abuuro ciidan awood u leh oo ka barbar dagaalama xulafadayada si dagaalka loogaga adkaado Ruushka”.Janaraal Sir Patrick waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay hadafkiisa ah in la dardargeliyo abaabulka iyo casriyeynta Ciidanka si loo xoojiyo gaashaanbuurta Nato looguna diido Ruushka fursad uu ku qabsado Yurub…waxaan nahay jiilkii mar kale ka dagaallami lahaa Yurub.
Duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa wax ka beddelay aragtida iyo xaaladda Ciidanka, oo oo ay dowladda dooneysay inay dhinto sannadaha soo socda.
Bishii Maarso ee 2021, dowladda UK waxay ku dhawaaqday inay dhimeyso tirada askarta ay qorsheyneyso marka la gaaro 2025. Kharashka difaaca ee Ingiriiska ayaa aad sare ugu kacay marka loo eego sannadkii 2016-17.
Ruushku waxa uu dhanka ciidamada ku kharash gareeyaa 4.14% boqolkiiba miisaanyadda dalkaasi halka UK ay ku baxdo 2.33%, boqolkiiba sida laga soo xigtay xogta Global Military Balance 2020.
Kahor duulaanka Ruushka, Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu bishii November ee la soo dhaafay xildhibaanada u sheegay inuu rumeysan yahay in xilligii taangiyada ee Yurub aanu soo dhaafnay.
Mr Johnson waxa uu markaasi yiri : “Waa in aan ogaanno in fikradihii hore ee dagaalladii waaweynaa ee taangiyada ee dhulalka Yurub ay dhammaadeen, waxaana jira waxyaabo kale oo ka wanaagsan oo ay tahay in aan maalgelinno. “
Waxa uu sheegay in nidaamyada dagaalka hawada iyo istaraatiijiyadaha internetka oo la xoojiyo ay yihiin muhiim. Waxa uu sheegay in dagaalka mustaqbalka kuwaasi lagu dagaalami doono… waana meesha aan u baahanahay inaan xoojino”.