Magaalada Grenoble ayaa dacwad u gudbisay maxkamadda ugu sarreysa Faransiiska taas oo ka dhan ah mamnuucid lagu soo rogay sharci cusub oo ay dhowaan magaaladu ku oggolaatay in dharka jirka daboolaya ee “burkini” ay haweenka Muslimiinta ah ku xirtaan goobaha lagu dabaasho.
Go’aanka Grenoble ee lagu oggolaanayo dhammaan dharka dabaasha, oo uu ka mid yahay burkinis, ayaa sababay inay isku dhacaan maamulka magaalada iyo dowladda Faransiiska.
Dharka Burkini waxaa inta badan xirta haweenka Muslimiinta ah, iyagoo doonaya inay ilaaliyaan xarragada iyagoon diintoodana ka tegin.
Balse gudaha Faransiiska, way adag tahay in meelaha dadku isugu yimaado uu qofku ku muujiyo diintiisa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa siyaasadda xirashada dharka Burkini ee magaalada Grenoble ku tilmaamay “wax aan la aqbali karin” taas oo lid ku ah dhaqanka cilmaaniga ku saleysan ee Faransiiska. Bishii la soo dhaafay, maxkamad ku taalla magaaladaas ayaa ka hor timid siyaasaddaas iyadoo go’aanka u cuskatay inuu ka hor imaanayo dhexdhexaadnimada adeegyada dadweynaha.
Mamnuucidda xirashada burkini ee goobaha lagu dabaasho ee ay dowladdu maamusho ayaa waxaa sidoo kale lagu tilmaamay in loo sameynayo sababo la xiriira nadaafadda. Ragga ayaa loo oggol yahay inay xirtaan dharka ku dheggan – siyaasaddaas oo ay sidoo kale maxkamaddu diidday. Dowladda hoose ee magaalada ayaa sidoo kale ragga u oggolaatay inay xiran karaan saraawiisha gaagaaban, kuwaas oo aan caadi ahaan la oggoleyn.
Waa maxay burkini?
Diidmada Faransiiska ee burkini ayaa soo bilaabatay sanadkii 2016, markaas oo dowlado hoose oo badan ay isku dayeen inay ka mamnuucaan xeebaha sababo la xiriira inay meel uga dhacayaan siyaasadda adag ee dalkaas ee kala saareysa diinta iyo dalka.
Saraakiisha dowladda ayaan loo oggoleyn inay shaqada u xiryaan astaan muujineysa diinta, balse duqa magaalada Grenoble, Eric Piolle, ayaa ku doodaya in tan aysan dadka isticmaala adeegyada dadweynaha, sida goobaha lagu dabaasho, ka hor istaageyn inay u lebistaan sida ay doonayaan.
Tallaabooyinka maamulkiisa ee lagu khafiifinayo shuruucda dharka dabaasha ayaa waxaa ka soo horjeesatay dowladda Faransiiska, taas oo sababtay in sanadkii hore la soo rogo sharci lagula dagaallamayo “soocidda Islaamka”.
Muranka ayaa gaaray Golaha Dalka, oo hore uga soo horjeestay mamnuucidda Burkini ee qeybo kale oo Faransiiska ka tirsan.
Dadka ka soo horjeeda dharka burkini ayaa u arka mid muujineysa aragti la isaga soocayo bulshada Faransiiska waxayna ku doodayaan in oggolaanshaheedu ay haweenka Muslimiinta ah cadaadis ku saareyso inay xirtaan. Hoggaamiyaha xisbiga midig-fog Marine Le Pen ayaa sidoo kale ka soo horjeedda dharkan.
Si kastaba, kuwa taageersan ayaa qaba in haweenka loo oggolaado inay daboolaan jirkooda haddii ay doonayaan taasina aysan ka dhigneyn xagjirnimo diimeed.