Boqorkii Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, ahaana madaxweynaha dalkaas ayaa maanta geeriyooday isagoo ay da’diisu ahayd 73 sano.
Wasaaradda Madaxtooyada oo shaacisay warka ku saabsan dhimashadiisa ayaa ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroor diiq ah. Xilligaas waxaa hoos loo dhigi doonaa calamada dowladda, shaqaalahana shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladdana waxaa la fasaxayaa saddex maalmood.
Tan iyo sanadkii 2004-tii ayuu Sheekh Khaliifa ahaa madaxweynaha Imaaraadka, waxaana madaxweynihii labaad ee soo mara waddankan carbeed.
Xilka madaxtinnimada ayuu kala wareegay aabihiis oo lagu magacaabi jiray Sheekh Zayed bin Sultan al-Nahyan, oo ahaa aasaasihii dowladda hadda jirta. Sheekh Zayed bin Sultan al-Nahyan ayaa geeiyooday 2-dii bishii November ee sanadkii 2004-tii.
Wiilkiisa ayaa boqortooyada iyo xilka madaxweynaha kala wareegay labo maalmood kaddib geeridiisa, isaguna maanta ayuu ku geeriyooday da’da 73-aad.
Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan waxa uu dhashay 7-dii bishii September ee sanadkii 1948-kii. Waxa uu ka tagay hal xaas oo ay wada joogeen tan iyo 1964-kii iyo siddeed carruur ah.
Markii uu aabihiis noqday Amiirka Abu Dhabi sanadkii 1966-kii, waxa uu boqortooyada u matalayay gobollada bari ee dalka. Kaddibna isaga qudhiisa ayaa loo magacaabay inuu amiir ka noqdo Abu Dhabi.
Ka hor inta uusan 2004-tii noqonin Madaxweynaha Imaaraadka iyo amiirka Abu Dhabi, waxa uu ku sime u ahaa aabihiis oo xanuunsanaa.
Xilka madaxweynaha waxaa usii dheeraa inuu ahaa maamulaha magaalada Abu Dhabi oo ah caasimadda Imaaraadka ee qaniga ku ah saliidda, kana mid ah toddobo imaaradood oo uu ka kooban yahay Imaaraadka.
Tobankii sano ee ugu horreeyay xukunkiisa waxa uu horseeday dhisme aad u baaxad wayn oo loo sameeyay deegaannada federaalka iyo Abu Dhabi labadaba.
Waxaa jiray arrimo dhowr ah oo uu caan ku ahaa boqorka geeriyooday.
Boqor hanti badan
Sheekh Khaliifa waxa uu haystay mid ka mid ah bortooyooyinka ugu qanisan caalamka, dhaqaalaha qoyskiisuna waxa uu ahaa mid aad u baaxad wayn.
Waxaa la aaminsan yahay in isagu shakhsi ahaan uu lahaa hanti badan oo magaciisa ku astaysan.
Sanadkii 2008-dii, Majalladda ka faalloota arrimaha dhaqaalaha shakhsiyaadka ee Forbes ayaa hantidiisa gaarka ah ku sheegtay ilaa $19 bilyan oo doolar.
Waxaa uu qasri ka dhistay jasiiradda loo dalxiiska tago ee Seychelles oo ka mid ah silsilado jasiirado ah oo ku yaalla Badweynta Hindiya, sida aan kasoo xigannay warbaahinno uu ka mid yahay Raadiyaha NPR ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka.
Sanadkii 2007-dii, Sheekh Khaliifa waxa uu hadiyad aad u wayn u diray Xarunta Dawooyinka ee Johns Hopkins oo xarunteedu ay ku taalla Baltimore. Hase yeeshee lama shaacinin inta uu la ekaa qiimaha hadiyaddaas caawinaadda dhaqaale ah. Waxaase lagu tilmaamay mid wax wayn baddali karta.
Marka laga soo tago shakhsi ahaan, qoyska al-Nahyan ee boqortooyada dhaxalka u leh ayaa la rumaysan yahay inay haystaan hanti dhan adduun lacageed oo gaaraya $150bn (£123bn).
Sheekh Khaliifa waxa uu sabab u yahay dhismayaasha indho qabadka leh ee uu caanka ku yahay Imaaraadka, waxaana ka mid ah dabaqa Burji Khaliifa ee ugu dheer guud ahaan caalamka.
Soomaaliya
In muddo ahba, dowladda Imaaraadka Carabta ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Khaliifa waxay ka mid ahayd dalalka saamaynta ugu wayn ku leh siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee Soomaaliya.
Mashaariic waaweyn ayay xukuumaddiisu ka hirgelisay gobola, waxaana ka mid ah dhismaha dekedda Berbera iyo kaabayaal kale oo dhaqaale.
Sidoo kale Imaaraadka oo ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa ka qayb qaatay tababarrada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Balse sanadkii 2018-kii ayuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Boqortooyada Imaaraadka Carabta.
Isku dhaca ayaa yimid kaddib markii laamaha amniga ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen lacag ka timid Imaaraadka oo “si sharci darro ah” looga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.
Dhowr sano kaddib, 7-dii bishii January ee sanadkan 2022-ka ayuu Raii’sul Wasaaraha Soomaaliya raaligalin siiyay dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo intaas ku daray in lacagta loo celin doono dowladdii lahayd.
“Waxaan rabaa inaan halkan sidoo kale ka caddeeyo madmadowgii soo kala dhex galay labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ka bilowday dhacdadii bishii April ee 2018 ee halkan garoonka ka dhacday waxaan rabaa inaan u muujiyo inaan ka xunahay waana ka raaligalinaynaa walaalaheen,” ayuu yiri Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaan rabaa sidoo kale inaan u cadeeyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta inaan u hayno lacagtoodii xilligaas laga qabtay, waxaan u sheegayaan xukuumad ahaan inaan diyaar u nahay inay qaadan karaan xilli kastooo ay diyaar u yihiin,” ayuu yiri Mudane Rooble.
Hase yeeshee, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay raaligalintii uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, xilli uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyay Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo.
Qoraal uu madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo soo saaray 8 bishii Janaayo ayaa waxaa uu ku amray gudoomiyaha bangiga dhexe in aanan qasnadda dowladda laga bixin lacag ay hay’adaha amnigu sanadkii 2018-kii ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in lacagtan “dalka ku soo gashay hab aan waafaqsaneyn hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyo shuruucda caalamiga ah ee isku gudbinta lacagaha, taasi oo taabaneysa amniga qaranka iyo xasilloonida dhaqaale ee dalka”.
“Waxaa mamnuuc ah in go’aan uu hal mas’uul gaaray lagu bixiyo lacagtaasi iyadoo aan la marsiin hannaan waafaqsan shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka madaxwaynaha.
Dhanka kale guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa amray in aan la bixin karin lacagta dowladda Imaaraadka looga qabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xanuunkii wiiqay
Sheekh Khaliifa ayaa xukunka Imaaraadka u noqday magac u yaal kaddib markii uu xanuunsaday.
Sanadkii 2014-kii ayuu Madaxweynaha ku soo booday cudurka Dhiig Karka ee loo yaqaanno “stroke”, kaasoo awoodiisii wiiqay.
Wixii xilligaas ka dambeeyay in badan laguma arki jirin fagaareyaasha.
Markii uu xanuunsaday kaddib waxaa xukunka si dadban ula wareegay walaalkiis oo ay isku aabbe kaliya yihiin, Maxamed Bin Zayed.
Dad badan ma aysan ku baraarugin isbaddalka maamulka dowladda, maadaama loo malaynayay in shaqadaas xooggeeda uu qaban doono dhaxal sugaha boqortooyada.
Maxamed Bin Zayed al-Nahyan ayaa hadda gacanta ku haya maamulka dowladda, isagoo laga dhowrayo qaban qaabada aaska Madaxweynaha maanta geeriyooday.
Laakiin sida ku qoran dastuurka Imaaraadka Carabta, madaxweyne ku xigeenkiisa, Sheekh Maxamed bin Rashid al-Maktoum, oo sidoo kale ah maamulaha Dubai, ayaa sii noqonaya ku simaha Madaxweynaha.
Golaha Federaalka Imaaraadka, oo mideeya toddobada magaalo ayaa ku khasban inay kulmaan muddo 30 maalmood gudahood ah si ay u doortaan madaxweyne cusub.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka mid ah madaxda caalamka ee ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Khaliifa, isagoo sheegay “inuu ahaa saaxiib dhab ah oo uu lahaa Mareykanku”.