Sheekada nin caddaan ah oo malaayiin dollar siiyay gabdho Kenyan ah oo uu saaxiib la yahay

0

 

 

Merc De Mesel iyo saaxiibtii Felesta Njoroge

Dalka Kenya waxaa dhawaanahan si weyn lo hadal hayay in nin caddaan ah uu lacag ka badan 5.6 milyan dollar siiyay gabdho dalkaas u dhashay iyo ehaladooda.

Ninka oo magaciisa lagu sheegay Merc De Mesel, una dhashay dalka Belgium ayaa lacag dhan 650 milyan oo shillinka Kenya ah siiyay saddex gabdhood oo sheegay inay yihiin saaxiibaddiisa, iyo laba qof oo ehaladooda ah.

Lacagtaas ayaa dollar ahaan ka badan 5.6 milyan, waxaana uu De Mesel bixiyay muddo 19 bilood gudahood ah.

Dembi baarayaasha Kenya ayaa rumaysan in ninka lacagtaas bixiyay uu yahay mid ku lug leh ganacsiyo sharci darro ah, isla markaana uu doonayo in lacagta xaaraanta ah uu ku xalaaleeyo Kenya.

Hay’adda Kenya u qaabilsan soo-celinta hantida ee magaceeda loo soo gaabiyo ARA ayaa bishii August 2021 hakisay lacag dhan 102 milyan oo shilling oo uu De Mesel u soo diray saaxiibtii Felesta Njoroge oo dhigata kuleej ku yaal Nairobi.

Waxa uu sidoo kale 103 milyan oo shilling u soo diray haweeney kale oo lagu magacaabo Tebby Wambuku Kago oo sheegtay inay tahay xaaskiisa, ayna kula nooshahay guri ku yaalla Nairobi.

Sidoo kale waxaa jirta gabar saddexaad oo magaceeda lagu sheegay Serah Wambui, taasoo sheegtay inay saaxiib la tahay De Mesel.

Horraantii bishan, wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in hay’adda ARA ay daba socoto koonto kale oo uu lacag ku soo shubay De Mesel, isla markaana uu leeyahay nin lagu magacaabo Timothy Waigwa Maina oo ay qaraabo dhaw yihiin Serah.

Timothy ayaa sheegay in De Mesel uu u hibeeyay lacag dhan 47 milyan oo shilling si uu ugu billaabo gnaacsi.

 

Merc De Mesel

Qaabka ay isku barteen

Timothy ayaa sheegay in De Mesel ay markii ugu horreysay ay isku barteen maqaayad ku taalla xaafadda Parkland sanadkii 2019, isagoo markaa la socday ina adeertii Serah. Gabadha ayaa Timothy u sheegtay in De Mesel uu yahay saaxiibkeed ay wada haasaawan.

De Mesel ayaa u soo bandhigay Timothy inuu gacan yare u noqdo, isla markaana uu bishii siin doono lacag ku dhaw 500 oo dollar, sida uu u sheegay dembi baarayaasha Kenya.

Waxa uu intaa raaciyay in markii dambe uu De Mesel u soo bandhigay qorshaha ah inuu lacag dhan 47 milyan oo shilling uu ku caawin karo si uu u billaabo ganacsi u gaar ah.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa baarayaasha u sheegay in markii hore uu ka shakiyay De Mesel iyo lacagta tirada badan ee uu haysto, balse uu dib ka ogaaday inuu yahay nin ku shaqeysta lacagaha dijitaalka ah ee loo yaqaan cryptocurrency.

Timothy ayaa sidoo kale ogaaday in De Mesel uu Nairobi ku leeyahay guri ay u joogaan laba haween ah oo uu ku tilmaamay qoyskiisa. Haweenkaas ayaa la ogaaday inay kala yihiin Felesta iyo Tebby oo uu lacagaha badan u soo diray.

Qof kale ee ay soo gaartay lacagta ninkaas caddaanka ah ayaa lagu sheegay Jane Wangui oo la dhalatay Tebby. Waxa uu u xawilay lacag dhan 44 milyan oo shilling, isagoo u ballan qaaday inuu geyn doono dalka Bortaqiiska.

Jane ayaa baarayaasha u sheegtay in walaasheed Tebby iyo ninka caddaanka ah ay sanadkii 2017 isku barteen magaalo xeebeedka Mombasa, halkaasna uu xiriirkooda ka bilowday.

Dembi baarayaasha Kenya ayaa rumaysan in De Mesel uu beegsado dhalinyarada Kenyanka ah ee intooda badan shaqo la’aanta ah, gaar ahaan kuwa da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 26 jirka.

Ujeedada uu leeyahay De Mesel ayay ku sheegeen inay tahay qarinta lacagaha sida aan sharciga ahayn lagu helo, gaar ahaan kuwa laga faa’iido dembiyada iyo daroogada, si loogu maalgeliyo gudaha Kenya, kadibna ay u noqdaan lacago aan laga shakin.

De Mesel oo hadda baxsad ah ayaa ku dooday inuu yahay ganacsade sax ah oo lacagtiisa ku helay qaab wanaagsan.