Saraakiisha ugu caansan Ruushka ee lagu dilay Ukraine

0

Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in Jeneraal Yakov Rezantsev uu ku dhintay duqeyn ka dhacday meel u dhow magaalada Kherson ee koonfurta dalka Ukraine.

Sarkaal reer galbeed ah ayaa sheegay in Rezantsev, oo ahaa taliyaha 49-aad ee ciidamada isku dhafka ah, uu ahaa Jeneraalkii toddobaad ee Ruushka ee lagu dilo Ukraine. Wuxuuna haystay darajada Sarreeye Guud, oo ah qofkii ugu darajada sarreeyey lagu dilo Ukraine.

Waxaa la rumeysan yahay in niyad jabka ciidamada Ruushka uu ku qasbay saraakiishii sare inay u dhawaadaan jiida hore ee dagaalka.

Wadahadal ay dhagaysteen militariga Ukraine, ayaa askari Ruush ah wuxuu ka cawday in Rezantsev uu ku andacooday in dagaalku ku dhammaan doono saacado gudahood, afar maalmood uun ka dib markii uu bilaabmay.

Warbaahinta dalka Ukraine ayaa Jimcihii sheegtay in Rezantsev lagu dilay saldhigga ciidamada cirka ee Chornobayvka ee u dhow Kherson, kaas oo Ruushku u isticmaalo xarun talis, dhowr jeerna ay weerareen ciidamada Ukraine.

Sarkaal kale oo Ruush ah oo lagu magacaabo Andrei Mordvishev ayaa la sheegay in lagu dilay weerar ay ciidamada Ukraine ku qaadeen isla saldhigaasi.

Waxaa la sheegay in Lieutenant-General Yakov Rezantsev uu ku dhintay duqeyn ay Ukraine ka geysatay saldhigga ciidamada cirka ee Chornobayvka ee u dhow magaalada Kherson.

Wuxuu ahaa taliyaha 49-aad ee ciidamada isku dhafka ah ee qaybta militariga ee Koonfurta Ruushka.

Wuxuu ka qayb qaatay hawlgalkii ciidamada Ruushka ee Suuriya.

Andrei Mordevichev: Taliyaha Ciidanka Isku dhafka ah ee Sideedaad

Andrei Mordvichev ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday saldhiga ciidamada cirka ee Chornobayevka ee u dhow Kherson, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Geeridiisa ayaa lagu dhawaaqay 18-kii Maarso.

Major General Oleg Mityaev

,

Xigashada Sawirka, ,

Major General Oleg Mityaev ayaa lagu dilay meel u dhow Mariupol, oo ah magaalo ku taal koonfurta bari ee Ukraine oo ay ka dhaceen qaar ka mid ah dagaaladii ugu xooganaa ilaa maanta.

Guutada Qaranka Azov ayaa sheegtay in ay dileen.

Waxa uu ahaa taliyaha Qaybta 150-aad ee Ciidanka Ruushka, oo ah unug cusub oo la sameeyay 2016-kii, fadhigooduna ahaa Rostov oo u dhow xadka Ukraine.

Ukraine ayaa sheegtay in cutubkan loo sameeyay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen colaadda ka taagan deegaannada ay gooni u goosadka ka maamulaan ee Bariga Ukraine, inkastoo Ruushku uu beeniyay in ciidamadooda ay ku lug lahaayeen dagaallada halkaas ka socda.

Major General Andrei Kolesnikov

Kolesnikov, oo xubin ka ahaa Ciidanka 29aad ee Isku-dhafka Hubka ah, ayaa lagu dilay dagaalka 11-kii Maarso, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo Ukraine ah.

Lama shaacin qaabka uu u dhintay.

Kadib markii Kolesnikov uu noqday jeneraalkii saddexaad ee Ruushka ah ee la sheegay in lagu dilay dalka Ukraine, sarkaal reer galbeed ah ayaa sheegay in laga yaabo in ciidamada Ruushka ay niyad jabsan yihiin, waana sababta keentay in saraakiisha sare ee militariga ay ku dhawaadaan jiidda hore ee dagaalka.

General Vitaly Gerasimov

Gerasimov, oo ahaa madaxa shaqaalaha 41-aad ee ciidamada isku dhafka ah, ayaa lagu dilay 7-dii Maarso meel ka baxsan magaalada Kharkiv, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine.

Magaalada Kharkiv oo ku dhow xadka Ruushka ayaa waxaa weeraro joogto ah ku hayay ciidamada Ruushka.

Milateriga Ukraine ayaa sii daayay cod ay ku sheegeen inay ahaayeen laba sarkaal oo ka tirsan waaxda ammaanka Ruushka oo ka hadlay geerida Gerasimov waxayna ka cabanayaan in shabakadahooda isgaarsiinta ee ammaanku aysan hadda ka shaqeyn Ukraine.

Gerasimov waxa uu ka qayb galay dagaalkii labaad ee Chechnya, hawlgalkii milatari ee Ruushka ee Suuriya, iyo qabsashadii Ruushka ee Crimea 2014kii.

Major General Andrey Sokhovitsky

Waxaa la rumeysan yahay in Sukhovitsky, oo ahaa taliye ku xigeenka isla cutubka Gerasimov, uu dilay nin toogtey 3-dii March.

Sukhovsky waxa uu qayb ka ahaa hawlgallada milatari ee Ruushka ee Crimea iyo Suuriya

Si ka duwan jeneraalada kale, geerida Sukhovsky waxaa lagu sheegay warbaahinta Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale khudbad uu jeediyay ku xaqiijiyay in Jeneraal-ku uu ku dhintay dalka Ukraine.