Nin cabsan oo la qabtay isagoo Ingiriska ka raadinayay Trump.

0

Booliiska Britain ayaa sheegay in la xiray darawal looga shakisanyahay inuu cabsanaa kaddib markii uu tagay albaabada laga galo saldhig millateri oo Mareykanku ku leeyahay gobolka Suffolk, isagoo raadinaya madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

Ninkan ayaa saaka tegay saldhigga ciidanka ee RAF Mildenhall, isagoo rajeynaya inuu halkaasi ku arki doono madaxweynihii hore ee Mareykanka.

Booliska Suffolk ayaa sheegay in ciidanka wasaradda gaashaandhigga ay kala shaqeeyeen xariga ninkaasi. Waxaa sidookale lagu helay dembi ah inuu jebiyay sharciga u degsan khamriga ee Ingiriiska.

Donald Trump ayaa mar booqday saldhiggaasi oo uu Mareykanka ku leeyahay Ingiriiska, balse waxay ahayd sanadkii 2019-kii.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa haatan deggan gobolka Florida ee dalkaasi.