M/weyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Maraykanka.

0
M/weyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Maraykanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Kulanka la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka kala socday, wasaaradda Arrimaha Dibeda Maraykanka, hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee u qaabilsan Maraykanka (USAID), iyo Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.
Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta iyo dardar-gelinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarka ee danta u ah labada dhinac.