Haweeney Kenyan ah oo diiday inay celiso kumannaan dollar oo ku soo khaldantay

0

Haweeney Kenyan ah oo lagu magacaabo Mary Ngunyi Muiruri ayaa lala tiigsaday maxkamad kamid markii ay diiday in hay’ad Maraykan ah ay u celiso lacag ka badan 65,000 oo dollar oo si khaldan loogu soo diray.

Hay’adda Maraykanka ah oo loo xil-saaray inay magdhaw lacageed gaarsiiso dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay qaraxii 1998 loo geystay safaaradda Maraykanka ee Nairobi, ayaa ku doodaysa in lacagta ay leedahay haweeney kale oo ay isku magac yihiin Mary.

Maxkamadda ayaa laga codsaday inay ku qasabto Mary inay lacagta u celiso hay’adda Maraykanka ah, waxaana sidoo kale dacwadda lagu soo daray bangiga ay lacagta ku soo dhacday ee siiyay haweeneyda.

Mary ayaa ku doodaysa inay lacagta xaq u leedahay maadaama ay kamid tahay dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay weerarkii lagu qaaday safaaradda Maraykanka, sidaa awgeedna aysan u celin doonin hay’adda.

Hase yeeshee doodda hay’adda ayaa ah in lacagta ay leedahay Mary Njoki Muiruri oo kamid ah dadka ay maxkamad Maraykan ah u go’aamisay magdhawga, halka Mary Ngunyi Muiruri aan weli go’aan laga gaarin kiiskeeda.

Bangiga ay lacagta ku soo dhacday oo aan magaciisa la shaacin ayaa ku doodaya in Mary ay ka diiday codsi ah in lacagta loo celiyo hay’adda soo dirtay, taa bedalkeedana ay la baxday in ka badan 60,000 oo dollar.

Labada haween iyo shakhsiyaad kale oo Kenyan ah, kana mid ah dadka ay dhibaatada ka soo gaartay qarixii 1998 iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, ayaa mudadii u dhexaysay 2008 iyo 2012 waxa ay dacwad ka dhan ah Sudan iyo Iran u gudbiyeen maxkamad ku taalla Maraykanka.

Waxa ay dalbadeen in dalalkaas ay magdhaw ka bixiyaan dhibaatada ka dhalatay qaraxaas ay fulisay shabakada Al-Qaacida oo xilliyadaas la tuhunsan yahay inay xiriir la lahayd labada waddan.

Sanadkii 2014 ayaa maxkamadda waxa ay amartay in dhibbanayaasha la siiyo magdhaw lacageed oo dhan 907 milyan oo dollar.

Xukuumadda Washington ayaa shirkad ka dhisan Maraykanka oo lagu magacaabo Epiq Systems Inc u xil saartay hubinta xogta dhibbanayaasha iyo gaarsiinta lacagtaas magdhawga.

Shirkadda ayaa samaysay hay’ad arrintaas qaabilsan oo lagu magacaabo the 1998 United States Embassy Bombing Qualified Fund.

Qaraxii safaaradda Maraykanka ee Nairobi

Weerarkii safaaradaha Maraykanka

7-dii August 1998, qaraxyo isu xilli dhawaa ayaa lagu qaaday safaaradaha uu Maraykanka ku leeyahay Nairobi iyo Dare es Salaam. 224 qof ayaa ku dhintay qaraxyadaas, waxaana kamid ahaa 12 Maraykan ah. In ka badan 4,500 oo qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaas.

Boqolaal kamid ah laamaha ammaanka ee Maraykanka ayaa durbadiiba gaaray goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, si ay u baaraan waxa dhacay, ayna u aqoonsadaan dadka uu dhibka soo gaaray.

Weerarrada ayaa la xaqiijiyay inay fulisay shabakada Al-Qaacida oo uu xilligaas hogaaminayay Usama bin Laden. Maraykanka ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof uu u maxkamadeeyay qaraxyadaas, lix kamid ahna ay xabsi daa’in ku yihiin gudaha Maraykanka.

Maraykanka ayaa weli ku raad jooga saddex nin oo loo haysto inay dowr ku lahaayeen qaraxyadaas, waxaana kamid ah Ayman Al-Zawahiri oo ah hogaamiyaha Al-Qaacida iyo Sayf Al-Cadl oo horay u ahaa gaashaanle sare oo ka tirsan ciidamada Masar, markii dambena kamid noqday saraakiisha ururkaas.