Colaadda Ukraine: Macalimad dadka u horseedday in ay samaystaan bambaanooyin ay Ruushka kula dagaalamaan

0

Arina oo macalimad dhigta luqadda Ingiriiska waxay la fadhdaa koox dumar oo ku howlan sameynta bambaanooyinka dhalada ah ee qarxa si ay uga hortaggaan ciidamada Ruushka

Maalintii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku amray ciidamadiisa inay weeraraan Ukraine, gabadh lagu magacaabo Arina oo bare ka ah dalkaas waxay bilowday sameynta bambaanooyinka dhalooyinka ah ee guriga lagu sameeyo.

Weriyaha BBC Sarah Rainsford oo ku sugan Ukraine ayaa la kulantay qaar kamid ah dumarka dalkaas xilli ay hagaajiyeen bambadan, waxay isku dar darayeen suuf caag ka sameysan oo nugul iyagoo ku ridayay dhalada.

Waxay dadkan doonayaan inay difaacaan Ukraine kadib duulaanka Ruushka.

Arina waxay sheegeysaa in arrintan la gudboon haatan ay tahay sidii uga hortaggi laheyd ciidamada Ruushka isla markaana ay muhiim tahay inay sameyso bambaanooyinka dhalooyinka ah ee guryaha ee lagu sameeyo

“Qofna nagama fileyn arrintani, wakhti ayaan ku qaataa halkan, waxay u muuqataa waxa muhiimka ah ee aan hadda ku howlanahay” ayay tiri Arina oo ah macalimad xilli ay sameyneysay hubkan.

Sidoo kale waxaa bambo sameynta ku howlan dumar badan oo carruutoodii guryaha uga soo tagey, waxaana kamid ah dumarkaas, Elena iyo Yulia oo halkan yimid si ay u sameyaan dhalooyinka sida bambada oo kale u qarxa.

“In guriga la fadhiisto oo aan waxba qabanayn ayaa ka sii cabsi badnaan lahayd,” ayay Elina oo BBC-da u warrameysay.

Elina waxay sheegtay in habkan uusan sidaa waxbo uga duwaneyn cunto karinta.

“Ma rumaysan karo in tani nagu dhacayso, laakiin doorasho noocee ah ayaan haysanaa? Qofna wax nagalama tashan,” Elena ayaa tiri.

“Ma rumaysan karo in tani nagu dhacayso, cid nala tashatay ma jirin, markaa wax kale oo aan doorbidno ma heysanno”

Waxay u muuqataa in dhammaan dadka ku nool magaalada inay ku howlan yihiin sameynta hubkan.

Goob ku taalla magaalada Dnipro ee bariga Ukraine waxaa laga soo buuxiyay dhar deeq ah iyo bustayaal iyo qamadi, dad badan oo halkan kusoo qulqulayaa ayaa keenya shidaal, biyo, saabuun iyo waxyaabo kale.

Waxaana deeqdan loogu talagalay in la siiyo dagaalyahanada reer Ukraine ee iska caabinayo Ruushka.

Waxaana dadaalladan garwadeenka ah shan dumar ah iyo dad kale oo baraha bulshada isticmaala si loogu gurmado ciidamada Ukraine.

Waxaa jira aag dhan oo gooni ah oo loogu talagalay kuwa doonaya in ay hub helaan oo ay isku qoraan inay dagaallamaan; waxay dadkan galeen safaf dhaadheer.

Katerina Leonova waxay weriyaha BBC u sheegtay inay hirgeliyeen xaruntan lagu qaabilayo dadka doonayo inay difaacan magaalada.

“”Runtii [Putin] miyuu rumaysan yahay inuu la wareegi karo Ukraine, kamana cabsaneyno Ruushka, waaan xanaaqsanahay” ayay tiri Katerina Leonova.

Waxaan la keenay alaab deeq ah sida shidaal , dhar iyo biyo

Magaalada Dnipro waxay khasaaro kala kulantay dagaalkan, dhammaan cisbitaalada magaalada waxaa buux dhaafiyay dhaawaca dadka, dhaawaca ayaa maalin kasta halkan la keenaa.

Waxaa la aasaasay sariiro kemeel gaar ah si ciriiriga loo yareeyo.

“Xaaladdii ugu xumeyd ayaaan ku jirnaa, dhinaca kasta ayuu dagaaalka inooga socdaa” ayay tiri Sergei Bachinsky oo afhayeen u hadashay cisbitaalka ku yaalla Magaalada Dnipro.

Dnipro wey soo kabaneysaa qof kastana wuxuu i saaray mas’uuliyadda ah sidii looga hortaggi lahaa dhibaatada dagaalka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu dhawaan saxiixay amar uu ku amrayo abaabul guud.Dhammaan dadka reer Ukrain ee qaadi kara hubka ayaa loogu baaqay inay difaacaan dalkooda hooyo.Sidoo kale waxaa loo yeeraayaa ciidamada keydka ah, sida lagu sheegay wareegtada ka soo baxday oo soconeysa muddo 90 maalmood ah.

Ukraine waxay sheegtay in ragga da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 60 ay tahay inay dalka joogaan si ay uga hortaggaan duulaanka Ruushka, 18,000 qoryahay machine guns ah ayaa la siiyay dad isa soo bixiyay oo ku nool Kiev.