Saacadihii la soo dhaafay, waxaa si weyn baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto loogu baahiyay muuqaal si bani’aadannimada ka baxsan loogula dhaqmayo gabar shaqaale ah oo lagu tilmaamay inay tahay Itoobiyaan.
Laba dumar ah oo ku nool deegaan Soomaaliyeed oo aan ilaa hadda si dhab ah loo aqoonsan ayaa wax aan la daawan karin ku sameynayo gabar jaariyad ah oo ay magaceeda ku sheegeen “Janno”.
Muuqaalka oo 11 daqiiqo ah ayaa haweenkaas Soomaalida ah waxa ay gabadha ku qasbeen inay cunto rooti qalalan oo ay dhulka ugu tuureen. Kadib waxa ay ku amreen in rootiga ay ku cunto dambas, arrintaas oo waxyeello caafimaad u horseedi karta.
Haweenka labada ah ayaa garaac iyo aflagaado xun isugu daran gabadhaas u muuqatay mid ku nool xaalad gumaysi oo kale ah.
Mid ka mid ah gabadhahaas ayaa la maqlayaa iyadoo gabadha jaariyadda ah ku qasbeysa inay xirato weji-xirka, iyadoo sheegtay inay ka baqayso in la xiro.
Gabadha oo ku hadlaysay af-Soomaali jajaban ayaa mar gacmaha cirka u taagtay si ay Alle uga barido inuu ka saaro sÃlica ay ku jirtay.
Markii ay cuntay rootiga dambaska leh, ayaa waxa ay labada dumar si arxan darro ah ugu qasbeen inay fadhiga ka kacdo, waxaana ay ku cabatay in ay “lugta xanuuneyso oo ay bir uga jirto”.Ilaa iyo hadda ma jiro maamul Soomaali ah oo ka hadlay dhacdadan ama sheegay inuu baarayo.
Soomaalida ayaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ku muujiyay argagaxa ay qaadeen falkan gurracan, waxaana kamid ah: