Mudanayaashii tasgeersanaa Musharaxa Madaxwaynaha Kenya Rutu oo oohin maciinsaday kadib markii ay ku guuldaraysteen cod Baarlamaanka Kenya u qaaday Qaraar uu soo qoray Mudane Adan Duale oo laga soo doorto county Gaarisa.
Qaraarka Adan Duale ayaa ujeedkiisu ahaa in uu ka hirtago wax ka badal Xeerka Diiwaangalinta iyo Anshaxmarinta Ururada iyo Asxaabta Siyaasada Kenya oo lagu daray qodobo ogolaanay in Ururada ama/iyo Xisbiyada Kenya ay midoobi karaan ka hor Doorashada Madaxtooyada Kenya oo qorshaysan in ay dalkaas ka dhacdo bisha August ee sanadkan.
Baarlamaanka ayaa xeerkaas ku meelmariyay 128 Mudane oo Haa ugu cadeeyay iyo 104 Mudane oo Diiday kuwaasi oo ahaa kuwii taageersanaa Rutu.
Xeerkan ayaa waxa uu ogolaanayaa in ay isku biiraan ODM oo ah Xisbiga Raila Odinga iyo Jubilee oo ah xisbiga Uhuru Kenyatta, taas oo u sahli doonta in uu si fudud ugu guulaysto Musharaxa Madaxwaynaha Kenya ee xisbiga ODM oo ah Baba Raila Amolo
RUTO ALLIES CRY IN PARLIAMENT CLAIMING KSH 10 MILLION WAS USED TO BRIBE AZIMIO MPs!!