Saldhiga hawada sare ee Ruushka, MIR, ayaa waxaa halkaasi kusugnaa Sergei Krikalev, wuxuu leeyahay awoodda ah in halkaasi fog uu sheeda kala socdo si guud waxa dhulka hoose ka jira, meere aad u qurux badan, oo aan si toos ah loogga arki karin dabka siyaasadeed ee ka socda dalkiisa Midowgii Sofiyeeti. Bishii Maajo 19-keedii, ee sanadkii 1991-kii, Krikalev, ayaa ka tagey dhulka, isagoo u kicitimey hawada sare, wuxuu sii raacey dayax gacmeedka Soyuz.
Diyaargaroow ayay samaynayeen shan bilood ah, oo ay ku tagayaan xarunta hawada sare ee saldhigga MIR, si uu ugu wareego dhulka.Isaga waxaa la socdey cirbixiyeen kale oo u dhashey Sofiyeetka, oo la yiraahdo, Anatoly Artsebarsy, iyo cir bixiiyeen kale oo u dhashey Ingiriska, Helen Sharman.
Gantaalka xambaarey Dayax Gacmeedka, ayaa laga tuurey xarunta looggu magac darey halyeeygii Baikanur Cosmodrome, xaruntaasoo ku taalla dalka Kazakhstan, isla goobtii uu Midowgii Sofiyeeti uga guuleystay Mareykanka “Dagaalkii Xidigaha”.
Halkaasi waxaa laga sameeyey taariikho kala duwan, sida in loo diro Dayax Gacmeedkii ugu horeeyey ee hawada ku meereysta ee Sputnik, safarka Eygii ugu horeeyey ee hawada sare, Laika, iyo tagitaanka qofkii ugu horeeyey ee bani’aadam ah, ee safar ku taga hawada sare, Yuri Gagarin, taasoo dhacdey sanadkii 1961-kii.
Waqtigaas, saldhigga hawada sare ee MIR, wuxuu sidoo kale calaamad u ahaa awoodda Soofiyetka ee sahaminta Hawada Sare.
Hawl gallada Krikalev, waxey ahaayeen kuwo joogto ah, waxa uu ku khasbanaadey in uu dibu habeyn ku sameeyo tiro qalab ah oo yaalla saldhiga hawada sare ee MIR.
Laakiin inta wax walba si habsami leh uga socdeen saldhiga hawada sare, halkii hoose ee dhulka ee dalweynihii Midowga Soofiyeeti, wuxuu ku bilawdey burbur.Sababtaas awgeed, hawlgalka, oo markii hore aan aheyn mid adag, ayaa Kirakalev waxey ku qaadatey bilooyin, oo ka badan laban laab intii la qorsheeyey, oo saameyn aan la fahmi karin ku yeeshay jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Tani waa sheeko naxdin leh oo ku saabsan cir bixiyeen Sergei Krikalev, oo kasoo dagay magaalada Odessa, kaasoo in kabadan toban bilood oo uu ku dul wareegayey dhulka kadib, ku dagey dal ay lasoo darseen xaalado degdeg ah, oo markaa wiixi ka danbeeya aanan jirin.
Wakhtigii uu ku qaatey hawada sare, wuxuu u muuqdey qof isku arkaya inuu yahay muwaadinkii ugu danbeeyey ee ka socda Midowga Soofiyeeti, oo hawada ku taga hawlo la xiriirta cirbixiyeennimada.
Waxyaabihii ugu waa weynaa
Sergei Krikalev, waxa uu ku dhashey magaalada Leningrad sanadkii 1958-dii, haatanna loo yaqaan Saint Petersburg.
Waxa uu ka qalin jabiyey machadka farsamada ee Leningrad, sanadkii 1981-kii, waxaanu noqdey cirbixiyeen afar sano oo tababar ah kadib.
Sanadkii 1988-dii, ayuu safarkiisii ugu horeeyey ku tagey xarunta hawada sare ee MIR, xaruntaas oo ku dul wareegta dhulka joog dhan 400 km.
Krikalev ayaa noqdey aggaasimaha hawlgalka ee Roscosmos, oo ah wakaaladda hawada sare ee Ruushka.
Hawlgalkii bishii Maajo ee sanadkii 1991-ga, wuxuu ahaa safar kiisii labaad ee uu ugu kicitimo hawada sare ee xarunta MIR.
“Krikalev waxa uu meel gaar ah ka heystaa dhaqamada dhageysiga heesaha iyo waxyaabaha kale, sababtoo ah wuxuu ahaa mid kamid ah cirbixiyeenadii ugu horeeyey ee isticmaala raadiyaha, isagoo kusugan saldhiga MIR, si uu ula xiriiro aaladaha raadiyaasha ee uu hiwaayadda u leeyahay, kuwaasoo markaa ka hawl galaya dhulka, isagoo joogga hawada sare,” ayey tiri Cathleen Lewis, oo ah taariikh yahan, iyo cilmi baare ka shaqeeya barnaamijka hawada sare ee qaranka, oo ku yaalla matxafka Smithsonian ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka
Lewis waxa uu sheegay in mudada dheer ee uu kusugnaa saldhigga MIR, cirbixiyeen Krikalev wuxuu inta badan ka shaqeyn jirey raadiyaha, si uu ula hadlo muwaadiniinta caadiga ah, oo ah inta jeer ee uu khadka raadiyaha ee dhulka uu helo.
“Sidaas oo kale, wuxuu xiriir aan rasmi aheyn la sameeya dadka adduunka oo dhan,”, Lewis ayaa sidaasi yiri.
Krikalev waligiis kaligiis kuma noqon MIR, laakiin had iyo jeer wuxuu ahaa cirbixiyeenka ugu caansan saldhigga.
Cathleen waxay intaasi raacisay in Krikalev aanu aheyn qofka kaliya ee joogga saldhiga MIR, laakiin waa ruuxa kaliya ee had iyo jeer isticmaala oo hela khadka raadiyaha.
Haweenaydan oo ah taariikhyahan waxay aaminsantahay in sababtaas awgeed Kirkalev ay wali dadku xasuustaan,in uu yahay muwaadinkii Sofiyeetiga ee ugu danbeeyey ee ka hawlgala MIR. inkastoo uu jirey cirbixiyeen kale oo la yiraahdo Aleksandr Volkov ee saldhiga MIR.
“Ma aheyn cirbixiyeenka kaliya ee kusugnaa saldhiga hawada sare, wuxuu ahaa qofka kaliya ee dadweynaha aad u yaqaaneen, waa taasi farqiga jira,” ayay tiri Cathleen Lewis.
Burburkii Midowgii Soofiyeeti, intii u dhaxeysay 1990-kii illaa iyo 1991-kii, dhamaan jamhuuriyaddihii Hanti Wadaaga Midowgii Soofiyeeti (USSR) waxey ku dhawaaqeen madax bannaani.
Waqtigaas Madaxweyne Mikhail Gorbachev, oo caan ah, ayaa isku dayey inuu casriyeeyo dalkiisa, oo markaa ku dhaqmayey nidaamka Hanti Wadaaga ama Shuuciyadda, isagoo doonayey inuu furfuro maamulka dowliga, in la baahiyo awoodda dhaqaale, oo loo oggolaado shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay iney ganacsiyo abuuraan.
Talaabadani ayaa waxaa si weyn uga horyimid xisbigii Shuuciga ee ka talinayey dalkaasi Midowga Soofiyeeti.
Bishii Agoosto 19-21 ee sanadkii 1991-kii, koox siyaasiyiin ah oo katirsan garabka ugu adag ee xisbiga Shuuciga, ayaa isku dayey inqilaab ka dhan Gorbachev, inkastoo uu guul dareystay, taasi waxey abuurtey burbur xooggan oo ku yimid Midowgii Soofiyeeti.
Markii Gorbachev uu lumiyey xukunka dalkiisa, Krikalev wuxuu sii wadey inuu ku dul wareego hawada sare.
Isagoo ay soo food saareen qalalaasaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee sii socda kuna dhuftey Midowgii Soofiyeeti, Krikalev ayaa la weeydiiyey inuu sii joogayo meel aan xad laheyn?
“Anaga waxey nagu aheyd lama filaan, ma aanan fahmin waxa dhacaya,” ayuu yiri Kirkalev, sida laga soo xigtay documentary-ga BBC-da, kaasoo uu cinwaankiisu ahaa “Muwaadinkii ugu danbeeyey ee Midowga Soofiyeeti, ee hawada lagaga soo tagey,” kaasoo soo baxey sanadkii 1993-dii.
“Macluumaad yar oo ay na siiyeen, waxaan isku dayeynay inaan fahanno sida ay tahay xaaladda guud ee dalka,”
Sida laga soo xigtey Lewis, cirixiyeen Krikalev, wuxuu ogaadey waxa dhabta ah ee ay ka dhex socda dadka Reer Galbeedka, halka Midowgii Soofiyeeti uu sii wadey inuu dadka ku madadaaliyo sheekooyin aan waxba ka jirin “Wax walba waa hagaagsan yihiin”.
“Illaa aakhirkii, waxaasi oo dhami way dhamaadeen,” ayuu yiri taariikh yahankan.