Sri Lanka ayaa qorsheneysa inay bixiso deenta shidaalka ay horey Iiraan uga qaadatay, iyadoo ugu beddeleysa caleenta, sida uu sheegay wasiir dowladda ka tirsan.
Ramesh Pathirana ayaa sheegay in dalkiisa uu rajeynayo in calen qiimaheedu yahay $5m (£3.8m) a u dhiibto Iiraan bil walba si ay isaga bixiso deenta $251m ah.
Sri Lanka ayaa wajaheysa xasarad ba’an oo deymo lagu leeyahay iyo sarrifka lacagaha qalaad ah, taas oo ay uga sii dareen iyadoo weysay dakhligii ka soo gali jiray dalxiiska sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus.
Xubin ka tirsan waaxda caleenta ee dalkaas ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu dalkaasi caleenta ku bixinayo deymaha dalalka shisheeye.
Mr Pathirana ayaa sheegay in habkan uusan meel uga dhaceynin cunaqabateynta Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, maaddaama caleentu ay ka mid tahay cntada, isla markaana aysan ku lug yeelaneynin bankiyada Iiraan ee liiska madow ku jira.
“Waxaan rajeyneynaa inaan caleen qiimahedu yahay $5m bil walba ku bixinno shidaalka aan Iiraan ka soo qaadaneynay tan iyo afartii sano ee la soo dhaafay,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters
Wasaaradda dhirta ayaa tiri, “Nidaamka la soo jeediyay ayaa badbaadin doona lacagaha qalaad ee ay u baahan tahay Sri Lanka, maadaama deyn bixinta Iiran lagu sameyn doono lacagta Sri Lanka iyada oo loo marayo iibinta caleenta shaaha ee Ceylon.”
Laakiin afhayeen u hadlay ururka beeralayda ee Ceylon, oo ay ku jiraan dhammaan shirkadaha beeraha waaweyn ee Sri Lanka, ayaa sheegay in habkan wax kala beddelashadu uu ahaa “xallin badbaadin ah oo dowladda ka yimid”.
“Ma ahan wax faa’iido u ah dadka wax dhoofiya, sababtoo ah waxaa nala siin doonaa lacagta Rubiga, anagoo hareer marsan suuqa xorta ah, iyadoo wax qiimo fiican ah aysan nogu fadhin,” ayuu raaciyay Roshan Rajadurai.
Sri Lanka ayaa lagu soo waramayaa inay wajaheyso ku dhawaad $4.5bn oo deyn bixin ah sanadka soo socda, taasoo ka bilaabaneysa $500m oo ah bixinta dammaanad madax banaanida caalamiga ah bisha Janaayo.
Si kastaba ha ahaatee, kaydka dibadda ee dalka ayaa hoos u dhacay $1.6bn dhamaadkii bishii November, sida ay muujineyso xogtii u dambaysay ee laga soo xigtay bangiga dhexe ee dalkaas.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ajith Nivard Cabraal, ayaa horraantii sanadkan sheegay in Sri Lanka ay ku kalsoon tahay inay awood u leedahay inay “si aan kala sooc lahayn” u bixiso dhammaan deynta madax-bannaanida halka loo gaaro 2022.
Sri Lanka, ayaa sanadkiiba soo saarta qiyaastii 340m kg oo caleenta shaaha ah. Sannadkii hore waxay dhoofisay 265.5 milyan kg, iyada oo sanadkii hore ee 2020 dakhliga ka soo xarooday uu gaarayo $1.24bn.
Ku dhawaad 5% dadka reer Sri Lanka waxay ka shaqeeyaan warshadaha bilyan-doolarka ah, iyagoo caleenta shaaha ka soo qaada buuraha kalana macaamila warshadaha beeraha.