Hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad kaa oo ah ilaa imika Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta balse garab istaagay howlaha doorashada ee R’isul Wasaare Rooble.
Sheekh Shariif ayaa xubno xisbigiisa katirsan waxey xalay Villa Somalia kula kulmeen Ra’isul Wasaare Rooble waxaana ay kasoo hor jeesteen qoraalka wadajirka ahaa ee kasoo baxay Midowga Musharaxiinta oo ahaa in la qabto shir weyn, doorashada socotana la laalo.
Ilaa imika Sheekh Shariif ma hadlin balse C.C. Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday Sheekh Shariif isagoo ka hor yimid in doorashada socota la taageero.
Qoraal uu ku weerarayo Sheekh ayaa sidan u qornaa:
Dunida kale, siyaasadda waxaa gala dad xal u raadinaya mushkiladaha iyo caqabadaha dadkooda iyo dalkooda haysta, kuna hubaysin fikir iyo aragti, laakiin siyaasadda dalkeenna waa mid loo soo shaqo tago oo mansab iyo aan muuqdo laga rabo.
Qoraal uu kal hore oo saakay ah uu qorayna sidan hoose ayuu qornaa.
Afartii sano ee muddo xileedka maamulkiisa iyo ku dhowaad sanad sharci darrida ah, Farmaajo Dastuurkii dalka ma qabyo tirin, doorasho qof iyo cod ahna ma qaban, 4.5 lagama gudbin, Somaliland lama heshiinin, Al-Shabaab lagama adkaanin, AMISOM lagama maarmin, welina beesha caalamka ayaa biilka bixisa. Dhaqan siyaasadeedkii suubbanaa ee sanadahan lagu soo dhaqmayey ee ahaa in afartii sano doorasho si nabad xilka lagula kala wareego, waa diiday oo boob iyo fowdo ayuu u wadaa.
Boobka doorashada waa wado uu Farmaajo jideeyey, qofkii ku raacana isaguu la mid yahay, qofkii maxlal iyo malxiisa ka noqda ka daran, qofkii hor istaagana dulmi iyo burbur ayuu diiday.