Suxufiga siyaasiga noqday ee yuusuf garad oo farta ku fiiqay boqor buur madow kana dalbaday in uu raaligalin siiyayo

0
Baniโ€™aadamku wuu khaldamaa, laakiin waa in uu isa saxaa.
Wax kaftan gala iyo wax kale ayaa kala jira.
Haddii ay xog-ogaalnimo darro u geysay iyo haddii kaleba Boqor Buur โ€“ Madow waxaa ku waajibay in uu la noqdo hadalkiisii ahaa in ay Soomaaliya ka jirto laba Dowladood oo midkood ay tahay Shabaab.
Waxaa la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin Dowladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyay iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo.
Afkooda kama maqal, laakiin Masโ€™uuliyiinta garbaha ka taagnaa, oo midkood uu xubin ka yahay labada Gole ee dalka ka arrimiya, anigu ma qabo in ay Boqorka isku fikrad ka yihiin aragtidaas.
Wasiirka waxaan u soo jeedin lahaa in uu iska beri yeelo ereyada culus ee aanuu oran laakiin garab istaaggiisa loo macneyn karo ka raalli ahaashada iyo shabbadda Xukuumadda.