Maalin maalmaha ka mid ah waqti lagu qiyaasay 3,600 oo sano ka hor , dadkii dagganaa magaalada qadiimiga ah ee Bariga Dhexe, oo la yiraahdo Tall el-Hammam, waxay isaga mashquulsanaayeen nolol maalmeedkooda iyagoo aan ka warqabin inay kusoo socoto musiibo qarax folkaano ah oo ku xawaareyneysay ku dhawaad 60,000 oo meyl saacaddiiba.
Hawada waxaa kusoo jiray dhagax folkaano ka qarxay oo 4km kor aaday.
Qaraxaas waxa uu ahaa mid 1,000 jeer ka awood badan bambadii atomic-ga ee lagu dhuftay Hiroshima xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka 1945-kii.
Dadkii dagganaa magaalada ayaa mar qura ku argagaxay, markii ay si deg deg ah ayay ugu indho beeleen. Heer kulka wuxuu kor u dhaafay wax ka badan 3,600 Fahrenheit (2,000 degrees Celsius).
Dharkii iyo geedihii ayuu islamarkiiba dad wada qabsaday. Seefaha, masaaraha, iyo dhammaan biraha waxay billaabeen inay dhalaalaan.
Durbadiiba, si lama filaan ah magaaladii oo dhan ayuu dab saameeyay.
Ilbiriqsiyo kaddib magaaladii oo dhan waxaa ruxay dhul gariir. Waxaa xigay duufaan ku socotay xawaare dhan 1,200 oo meyl saacaddiiba, taasoo lagu tilmaamay duufaantii ugu awoodda badneyd ee abid la diiwaangeliyo.
Dabeesha ayaa burburisay dhammaan dhismeyaasha. Guryo 12 feet kor u dhisnaa ayay dhulka ku dartay, burburkoodana waxay ku daadisay dooxooyinka.
Cidna kama badbaadin 8,000 oo dad ama xayawaanno ahaa oo halkaas dagganaa. Meydadkoodii iyo lafahooda xitaa way shiidmeen.
Qiyaastii hal daqiiqo kaddib 22 meyl oo ka mid ah galbeedka magaalada Tall el-Hammam, ayuu qaraxa saameeyay wuxuuna xaaqay ilaa magaalada Jericho. Darbiyadeeda ayaa burburay magaaladiina way bas beeshay.
Waxay u ektahay in laga sheekeynayo film Hollywod ah oo naxdin leh. Haddaba sidee lagu ogaaday musiibadan ka dhacday meel aan ka fogeyn waddanka Urdunkumannaan sano ka hor?
In jawaabta la helo waxay qaadatay sameynta baaritaan socday qiyaastii 15 sano oo caddeymo badan lagu raadiyay.
Waxaa kale oo la sameeyay u kuurgelid iyo falanqeyn ay ku howlanaayeen dad khubaro ku ah raadadka taariikhda. Waxaa iska kaashaday in ka badan toban seynisyahan oo isugu tagay dalka Mareykanka, kana kala socday waddamo ay ka mid yihiin Canada iyo Czech Republic.
Qaabkan ayaan u dhisnay sawirka lagu cabirayo sida uu burburkaas u dhacay
Markii ay kooxdeenna daabacday caddeymihii ugu horreeyay waxaa xog laga soo aruuriyay 21 qof oo ay ka mid yihiin aqoonyahannada taariikhda dadkii hore, khubaradaha dhulka, macdan qodayaal, injineerro iyo dhakhaatiir.
Qaabkaas ayaa la isugu keenay macluumaadka la xiriira sida ay u dhacday musiibadaas waqtiga hore ahayd.
Duufaan dab aad u kulul
Sannado ka hor, markii ay khubarada cilmiga dadkii hore heleen raadka magaalo burburtay, waxaa u suurtagashay in ay helaan buste 1.5 mitir ah oo isu baddalay dhuxul, aashito iyo dhagax qoran oo qaarkiis uu dhalaalay.
Way iska caddeyd in meeshaas ay ka dhacday duufaanta ay baabi’isay magaalada muddo dheer ka hor.
Ma jirin cid hubtay sida saxda ah ee ay wax u dhaceen balse musiibadaasi ma ahayn mid uu sababay folkaano qarxay, dhulgariir ama dagaal hub loo adeegsaday.
Dhammaan waxyaabahaas awood uma laha inay bir dhalaaliyaan dhagaxna biyo ka dhigaan.
Si loo ogaado waxa dhacay, kooxdeenna waxa ay adeegsadeen qalab loo yaqaanno “Online Impact Calculator” si ay ugu fiiriyaan caddeymaha xaaladdan loo hayo.
Qalabkan waxaa diyaariyay khubaro eegeysa saameynta si ay cilmibaareyaashu u qiyaasaan inta uu la ekaa waxa dhacay, iyadoo laga qiyaas qaadanayo saameynta ka dhalata waxyaabaha horay loo ogaaday iyo qaraxyada nuclear-ka.
Sida cad, dhagaxa ku habsaday magaalada Tall el-Hammam waa mid yar oo la mid ah kii ku dhacay 80 milyan oo geed oo ku yaallay magaalada Tunguska sanadkii 1908-dii.
Wuxuu noqon karaa nooca ugu yar ee dhagaxyadii eryan jiray xayawaankii weynaa ee loo yaqaanno “dinosaur”, ilaa inta ay ka suulaan 65 milyan oo sano ka hor.
Waxaan aragnay sabab macquul ah. Haddana waxaan dooneynaa caddeynta waxa maalintaas ka dhacay magaalada Tall el-Hammam.
Helitaanka “dheymanka” ee adduunka
Baaritaanka aan sameynay waxa uu shaaca ka qaaday caddeymo kala duwan.
Goobta ay wax ka dhaceen waxaa lagu arkay jajabka dhagaxyo ka haray musiibadii kuwaasoo ah nooc aad qaadi u ah oo jabka ugu yar uu goyn karo lacag dhan £ 725,000. Waa dhagaxyada nooca loo yaqaanno dheymanka oo meeshaas laga helay.
Burburka soo haray waxa uu u adag yahay sida ay dhagaxyada dheymnaka u adag yihiin. Mid walba wuxuu ka yar yahay muuqaalka fayraska hargabka ee lagu eego qalabka.
Waxay u muuqataa in geedihii iyo waxyaabihii kale ee yaalla magaalada ay ku dhex milmeen dhagaxa holcayay.
Dhammaan caddeymahan lasoo aruuriyay waxay sheegayaan in heer kulka magaalada uu ka sare maray midka folkaanooyinka ay sababaan, ama ka dhasha dagaallada iyo musiibooyinka kale.
Habkan dabiiciga ah waxa uu layaab ku noqday dunida.