Booliiska dalka Britain ayaa waxay shaaciyeen magaca nin Soomaali ah oo loo haysto dilkii xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaasi.
Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali – ayaa la rumeysan yahay in uusan ku jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ninkani loo xiray tuhunka ah inuu dilay xildhibaan David Amess, uu horey uga qeyb galay barnaamij dowladda UK ay fulisay oo looga hortagayay xagjirnimada.
Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka.
Booliiska ayaa Sabtidii baaray laba guri oo ku yaalla aagga London islamarkana ma jiro qof kale oo ay imika ku raad-joogaan.
Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta.
Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David.
Wuxuu ninkani ku xiran yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada.
Booliiska ayaa laga yaabaa inay sii hayaan ninkan illaa Talaadada ka hor intaanay ku soo oogin dacwad, ama aysan sii daayaan.
Weriyaha BBC u qaabilsan amniga Frank Gardner ayaa sheegay in saraakiisha Whitehall ay sheegayaan in ninka la xiray uusan ku jirin liiska dadka looga shakisan yahay argagixisada.
Heerka Feejignaanta UK ayaa wax wayn iska badalay tan iyo Jimcihii taasoo la micno ah in weerar argagixiso la filan karo.
Sir David, oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa xisiga muxaafid tan iyo 1983, ayaa kulamadiisii ​​caadiga ahaa ee Jimcihii la lahaa xubno ka tirsan kaniisadda Belfairs Methodist markaasi oo dhowr jeer tooreey lala dhacay.
69 jirkan ayaa waxaa uu ifka uga tagay afar gabdhood iyo wiil.
Waa xildhibaankii labaad ee la dilo sanadihii la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsanayd xisbiga shaqaalaha taasi oo la dilay bishii July 2016.