Waxaan halkan idiin kuugu soo gudineynaa sheekada Cismaan Cali Khan oo ka talin jiray maamulkii Heydarabad ee dalka Hindiya, waxaana magaaladan la aasaasay sanadkii 1591.
Cismaan Cali Khan wuxuu ka hor yimid in maamulka magaaladan la raaciyo maamulkii Hindiya ee xilliggaas.
Nizam Al Mulk (Asif Shah) oo ahaa ku xigeenkii boqorka Hindiya oo hoostagi jiray nidaamkii Mughals sanadihii 1713 ilaa 1721 ee Hindiya ayaa magaaladan kaga dhawaaqay maamul madaxbanaan, sida ay ku warrantay barta Encyclopedia Britannica.
Guumeystayaashii ingiriiska iyo Faransiiska ayaa bilaabay inay maamulka kala wareegaan kadib markii uu geeriyooday Asif Shah sanadkii 1748.
Waxaana sanadkii 1768 lagu heshiiyay in Ingiriiska uu maamulo Heydarabad, waxaana halkan ku sugnaa ciidamadii Ingiriiska tan iyo 1778.
Waa kuma ninkii maamuli jiray Heydarabad?
Cismaan Cali Khan wuxuu ahaa ninka ugu taajirsan adduunka isla markaana caan ah.
Barta Encyclopedia Britannica waxay ku warrantay in Cismaan Cali Khan uu bishii April sanadkii 1886 ku dhashay magaalada Heydarabad.
Wuxuu ku dhintay Heydarabad 24 bishii Febraayo 1967.
Wuxuu hoggaamin jiray maamulkii Heydarabad ee bartamaha koonfureed ee Hindiya intii u dhexeysay 1911 ilaa 1948, markii dambe wuxuu noqday madaxweyne.
Cismaan Cali Khan wuxuu ahaa ninka ugu taajirsan adduunka, wuxuu maamul jiray dhul baaxaddiisa ay la dhan tahay Talyaaniga.
Kadib markii uu dhammeeyay waxbarashadiisa, wuxuu aabihiis ka dhaxlay maamulka 29, bishii August sanadkii 1911.
Wuxuu sare u qaaday dhaqaalaha magaalada Heydarabad intii maamulka hayay, wuxuu u horseeday maamulka in uu sameysto lacago u gaar ah iyo waddo weyn oo tareenka maro.
Sanadkii 1918 wuxuu maalgeliyay in Jaamacaddii Cusmaaniyiinta laga hirgeliyo Hyderabad.
Wuxuu dhaqaale ku bixiyay horumarinta nolosha dadka Hinduuga ahaa ee ku noolaa maamulkiisa.
Sanadkii 1937, jariiradda kasoo baxda Mareykanka ee Time Magazine ayaa warbixin ay ka qortay ninkan ku sheegtay in uu yahay ninka ugu taajirsan adduunka.
Ninkan waxaa laga soo tebiyay dhacdooyin dhowr ah, sida uu kaalmeyn jiray dadka saboolka ah iyo shaqaaleysiinta 38 qof oo nadiifin jiray qasriga boqortooyada.
Dhinaca kale, wuxuu gacantiisa ku tolan jiray iskaalshihiisa ama sigsaantiisa marka uu ka dillaaco.
Wuxuu muddo bil ah xiran jiray hal labis ah isaga oo aanan iska baddalin , xitaa wuxuu sigaarka ka qaadan jiray dadka usoo martiya.
Waxaa sanadihii 1940s dhaqaalihiisa lagu qiyaasay 100 malyan oo lacagta giniga ah gaar ahaan dahabkii uu heystay halka maartii uu heystay lagu qiyaasay qiimaheeda 400 milyan oo lacagta giniga ah.
Sanadkii 2018 booliska Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa bilaabay inay baaritaan ku sameeyaan sanduuq uu dahab ka buuxay oo la xaday kaas uu lahaa Cismaan Cali Khan.
Cismaan Cali Khan wuxuu u ololeynayay in Heydarabada ay ka go’do Hindiya inteeda kale, xitaa wuxuu codsi u gudbiyay Qaramada Midoobey.
Wuxuu ka hor yimid go’aankii Hindiya ay ku dooneysay in maamulkiisa uu kusoo biiro Hindiya, balse bishii September 1948 ayaa lagu khasbay in uu isku soo dhiibo ciidamadii Hindiya.
Waxaana loo magacaabay madaxweynihii Hyderabad, oo kamid noqotay gobollada Hindiya sanadkii 1950.