Mareykanka ayaa sheegay inuusan cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogeyn Itoobiya, haddii ay labada dhinac joojiyaan dagaalka isla markaana bilaabaan wada hadal.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in loo baahan yahay in wada hadalladu ay si deg deg ah ku bilowdaan, iyadoo aan meesha la keenin wax shuruudo horudhac ah.
Goor sii horreysay, Madaxweyne Biden ayaa saxiixay amar sare oo suurto gelinaya in Mareykanku uu tallaabo dheeri ah ka qaado dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, TPLF iyo dowladda gobolka Amhara.
Ciidamo kala duwan ayaa dagaal kula jiray kooxda TPLF tobankii bilood ee la soo dhaafay, kaas oo boqollaal kun oo qof qarka u saaray macluul.