Madaxwaynaha somaliland oo gudi qaran usaarey hay,ada caymiska somaliland,Awoodii Bukhaarina kaligii go,andanbe ma gotnkaro

0
Wareegto Madaxweyne: 18/09/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hayโ€™adda Caymiska Qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Xeerka Hayโ€™adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hayโ€™adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hayโ€™adda Caymiska;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Waxaan Goโ€™aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hayโ€™adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire โ€“ Guddoomiye.
2. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir โ€“ Xubin.
3. Guddoomiyaha Hayโ€™adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari โ€“ Xubin.
4. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi โ€“ Xubin.
5. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale โ€“ Xubin.
6. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim โ€“ Xubin.
7. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali โ€“ Xubin