Beesha Caalamka oo War cusub ka soo saartay Khilaafka & Muranka ka dhex oogan Farmaajo & Rooble

0

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen UNSOM, IGAD iyo dalalka ku lugta leh siyaasadda Somalia ayaa labada masโ€™uul ee dalka Somalia ugu sareeya loogu baaqay in khilaafkooda ay dhinac dhigaan oo ay culeyska saaraan arrimaha doorashada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri โ€œIyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsan yihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raโ€™iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.โ€

War-saxaafadeed ayaa madaxda Somalia ugu baaqay in helidda hanaan siyaasadeed oo loo dhan yahay uu yahay lagama maarmaan โ€œDadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.โ€

War-saxafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu wali taagan yahay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo RWe Rooble.