Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo weji cusub yeeshay

0

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa weji cusub yeeshay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax.

Warqad ka soo baxday xafiiska raysal wasaare Rooble ayuu ku muujiyay walaaciisa la xiriira tallaabada u qaaday madaxweyne Farmaajo. waxaa warqadda lagu qoray:

“Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.”

“Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas.”

Maxamed Xuseen Rooble ayaa warqadda qoraalka ah ku tibaaxay inuu ku adkeysanayo in Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.

“Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan.” ayuu warqadda lagu sheegay

Rooble ayaa hay’adaha Amniga faray inay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Isniintii shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin oo sanadihii dambe ahaa agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Fahad Yaasiin

Fahad iyo hay’adda uu hogaaminayay ayaa lagu eedeeyay kiiska Ikraan Tahliil oo la la’aa muddo dhowr bilood ah. NISA ayaa sheegtay in gabadhaas ay dileen xooggaga Al-Shabaab, warkaas oo uu beeniyay ururka dagaalka kula jira xukuumadda Soomaaliya iyo ajaaniibta taageerta.

Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ku aaddan Hoggaanka Nabadsugidda, ma aha markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay waajahayso xaaladdan oo kale.

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya

Hore dawladdii ka horraysay tan Farmaajo ee uu hoggaaminayey Xasan Sheekh sidaas oo kale ayaa khilaaf ka abuurmay markii Raysalwasaarihii xilligaas Cabdiweli Sheekh Amed, uu xilka ka qaaday taliyihii xilligaas ee Hay’adda Nabadsudgidda Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.

Go’aankaas oo madaxweynuhu diidey, dood maalmo socotay kaddib madaxweynuhu wuxuu oggolaaday go’aankii raysalwasaaraha, sidaana uu taliye cusub ku noqday Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Hadda Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu faray taliyaha sida kumeelgaarka uu isniintii u magacaabay oo ah Sareeye Guud Bashiir Goobe in uu xilka la wareego.

Warbaahinta Dowladda

Waxa ay u muuqataa in warbaahinta dowladda ay gebi ahaanba joojisay faafinta war saxaafadeedyada kasoo baxa xafiiska madaxweynaha, tan ayaa ka dambeysay markii boggaga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka laga tiray warkii xalay kasoo baxay Villa Soomaaliya ee lagu magacaabay taliyaha cusub ee nabad suggida.

Taas badelkeed, saacado kadib ayaa lasoo daabacay war saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Warbaahinta gudaha qaar ayaa tabinaysa in boggaga warbaahinta dowladda laga saaray saraakiishii Villa Soomaaliya ee warfaafinta ee galaangalka u lahaa in ay wax soo galin karaan, balse ma jirto cid madax banaan ama labada dhinac ka tirsan oo arrintan qirtay.

Magacaabista Kale ee Madaxweynaha

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadiisii xalay sidoo kale ku magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada, xilkaas oo loo magacaabay Cabdi Siciid oo horey u ahaa la taliyaha Amniga Qaranka.

Xilka la taliyaha Amniga Qaranka ayuu madaxweynaha u magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Agaasimihii kumeelgaarka ee madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay boggiisa rasmiga ah xalay saqdii dhexe ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo agaasimaha cusub, isaga oo madaxweynaha uga mahadceliyay ‘muddadii sanadka ahayd’ ee uu sida kumeelgaarka ah xilka u hayay.

Agaasimihii hore ee Villa Soomaaliya Dr Nuur Fuursade ayaa la sheegay in uu shaqada ka tagay dabayaaqadii sanadkii hore, hase yeeshee ma jirin meel rasmi ah oo lagu shaaciyay xil ka tagistiisa.

Shirka Amniga Qaranka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhanka kale ku baaqay in la isugu yimaado shirka amniga Qaranka 18-ka bishan septembar, 2021-da.

Hase yeeshee Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaanan soo hadal qaadin shirka uu madaxweynaha ku baaqay, wuxuuse war saxaafadeedka ku sheegay hadal u muuqday in uu kaas jawaab u yahay “Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka”.

Warqad uu soo saaray hoggaankii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo uu ugu jawaabayay Ra’isulwasaare Maxamed ayuu ku sheegay in xogta ku saabsan kiiska gabadhii hay’adiisa ka tirsanayd ee la dilay Ikraan Tahliin in uu la wadaagi doono Golaha Amniga Qaranka, iyada oo sidoo kale war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha lagu ayiday arrinkaas.

Waxaa jiray kala aragti duwanaansho ku saabsan Golaha Amniga Qaranka, iyada oo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya oo ay dowlad goboleedyada kamidka yihiin ay siyaabo kala duwan u turjumayeen xubnaha uu ka koobanyahay golahan.