Shirkii jaraa’id ee uggu horeeyey ee ay qabtaan Taliban, illaa iyo intii ay xukunka la wareegeen, iyagoo kaga jawaabey mawduucyo fara badan. Kuwa uggu waa weyn, waa sidan soo socota:
·Kooxdu waxey si deg deg ah ugga shaqeyneysaa dhisidda dowlad, waxaa lagu dhawaaqi doonnaa marka la dhameystiro, sida uu sheegay afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid,.
·Wuxuu sheegay in haweenku ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan bulshada dhexdeeda, loonna oggolaan doono iney shaqeystaan, iyadoo loo eegayo hannaanka nolosha ee sharciga Islaamka, laakiin ma aanu sharaxin waxa taa loola jeedo ficil ahaan.
·Mar la weeydiiyey dadka qandaraaska iyo turjubaanada u ahaa awoodaha shisheeye, Mujahid ayaa sheegay in aaney jiri doonin aargudasho lagula kaco qofna, iyadoo kooxdu ay u fidisay cafis qof waliba, si loo gaaro nabadda iyo xasiloonida dalka Afghanistan.
·Wuxuu kaloo sheegay afhayeenku in Taliban ay qadarin doonto kaalinta warbaahinta madaxa bannaan, iyagoo balan qaadey in warbaahinta gaarka loo leeyahay ay sii ahaan karto mid xor ah oo madax bannaan.
·Laakiin wuxuu ka digey in warbaahinta ay u shaqeyso si gurracan, oo iyaga kasoo horjeeda.
·Mar la weeydiiyey halista ka dhalan karta haddii ay marti galiyaan ururo ay kamid yihiin al-Qaeda ama kuwa kaloo argagaxiso, ayaa waxa uu sheegay Zabihullahi Mujahid in dalkani aanan mar danbe loo isticmaali doonin goob lagaga duulo dalal kale.
·Sidoo kale, wuxuu sheegay afhayeenka Taliban iney qorsheeyeen inay ciidankooda ku hakiyaan daafada magaalada Kabul, si hannaanka kala guurka looggu dhameystiro si dagan, laakiin ay soo baxdey duruuf ku qasabtey iney u galaan gudaha magaalada, si ay u hubiyaan ammaanka dadka dagan magaalada.
Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ammaanka guud ee dalka Afghanistan uu sugan yahay, kadib markii wax laga weeydiiyey in goobaha ay gacanta ku hayaan ay ka dhacayaan dilal iyo afduubyo.
Wuxuu intaa ku darey afhayeenka in aanu qofna qof kale afduubi karin, isagoo sheegay iney sii xoojinayaan ammaanka iyo kala danbeynta maalinba maalinta ka danbeysa.
Wuxuu carabka ku adkeeyey inaaney dooneyn hal qof xitaa inuu ka tago ama ka cararo dalkani, isagoo sheegay iney magan galyo guud iyo cafis u fidiyeen dadka oo idil.
Dhanka kale, wuxuu tilmaamey inaaney jiri doonin wax dhiilo colaad ah, waa sida uu sheegay afhayeenkee ama aargoosi iyo colaad kalaba.
Afhayeenka wuxuu kaloo sheegay in dalka Afghanistan aanan loo isticmaali doonin xarun ama goob lagaga duullo dalka kale, isagoo ka jawaabayey baqdinta laga qabo in mar kale dalkani uu hoy u noqdo dagaal yahanada al-Qaeda.
Zabihullah Mujahid, ayaa sidoo kale sheegay in Bulshada Caalamka ay u xaqiijinayaan in dalkani noqon doono, sida dalalka kale ee caalamka.