Haweeney askeri ahayd oo lagu eedeeyay in ay “rag laysay” ayaa guriga waalidkeeda laga helay iyadoo mayd ah.
Maamulaha Gobolka, George Natembeya, wuxuu sheegay in Caroline Kangogo ay aaday guriga waalidkeeda oo ku yaalla Elgeyo Marakwet, ee gobolka Rift Valley, ka dibna ay is dishay.
Arrintan waxay soo afjartay baaritaan isbuucyo qaatay oo ay ka qeybgaleen ciidamo kala duwan oo lagu raadinayay haweenydan oo lagu tilmaamay “in ay halis ahayd oo toogashada aad u taqaano”.
Waxaa raadinteeda la billaabay ka dib markii laba nin ay ku kala dishay magaalooyiinka Nakuru iyo Kiambu.
Mid ka mid ah ragga ay dishay wuxuu ahaa askeri ay isla shaqeynayeen, midka kalena waxaa la tilmaamay in uu qeyb ka ahaa Jaceyl seddax-geesood ahaa ee iyada kala dhexeeyay.
Isbuuc ka hor, waalidkeeda oo warbaahinta la hadlay waxay gabadhooda ka codsadeen in ay booliska isu soo dhiibto.
Kangogo waxay ka tirsaneyd Waaxda Dembi-baarista ee Booliska Kenya, waxayna ka howlgali jirtay kiisaska maxkamadaha la xiriira.
Waxaa lagu tilmaamay in ay ahayd askeri si wanaagsan u tababaran oo khibrad leh.
Raadintii Kangogo
Booliska dalka Kenya ayaa baadigoob adag u galay soo qabashada haweeneydanka dib markii ay dishay raggii “uu jaceylka kala dhexeeyay”.
Wararka haweenaydan ayaa warbaahinta dalka Kenya qabsatay kaddib markii ay magaalada Nakuru ku dishay askari magaciisa lagu sheegay John Ogweno. Meel 200km u jirta halka ay dhacdada koowaad ka dhacday, ayey ku dishay Peter Njiru oo 32 sano jir ahaa.
Marxaladaha ku xeeran dilka labada nin ayaa ah kuwo muran badan dhaliyay, illaa hadda ma jirto cid wax badan ka og sababta loo dilay.
Bayaanka ay soo saareen booliska ee ay ku shaacinayaan baadi- goobka ka dhanka ah haweenaydan, waxayna ku tilmaameen inay la mid tahay sheeko ku jirta filimada cabsida leh.
Balse farqiga u dhexeeya sheekadan iyo mida filimada waxay tahay in tani ay tahay dhacda dhab ah, waxaana jiray warar sheegayay in qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ay dhunteen ka dib markii Kangogo ay fariin u dirtay.
Kangogo ayaa looga shakisan yahay dilka nin ay saaxiibo ahaayeen oo boolis ah. Dilka ka dib ayaa la sheegay in ay qaadatay bistoolad nooceeda yahay Ceska oo ay ku jirto rasaas.
Ka dib waxay u jihaysatay Juja, oo 200km u jirta magaalada Nakuru, halkaas oo ay hoteel ka kiraysatay. Dhibbanaha labaad ayey qolka ugu yeertay ka dibna madaxa ayey ka toogatay intii ay qolka ku jireen.
Xilli dambe, isla habeenkaas, Kangogo waxay maydka Peter Njiru uga carartay qolkii ay hoteelka ka daganayd.
Mid ka mid ah shaqaalaha hoteelka ayey u sheegtay in ay soo iibsanayso adeeg ayna wax yar ka dib soo noqon doonto. Balse haweenaydan ayaan dib ugu soo noqonin hoteelka.
Booliska ayaa sheegay in ay dhib badan kala kulmeen raadinta haweenaydan, sababtoo ah waxaa adag in la helo qaab lagula xiriiro maadama ay teleefonkeeda kaga tagtay goobtii ugu horeysay ee ay dilka ka geysatay.
Saraakiisha dowladda ee baaraya kiiskan ayaa ku tilmaamay mid la yaab leh, sababtoo hal qori ayey u adeegsatay dilka, iyada oo ku hubaysan bastoolad la soo xaday oo ay ku jiraan 14 xabadood.
Agaasimaha Waaxda Dambiyada George Kinoti, ayaa shacabka ka codsaday in ay gacan ka geystaan soo qabashada haweeneyda uu ku tilmaamay “mid hubaysan oo qatar ah”.
Kangogo waxay ka soo shaqaysay saldhigyo boolis oo kala duwan, oo ay ku jiraan qaybta booliska ee maamula Tareenka, ka hor inta aan loo wareejin magaalada Nakuru, halkaas oo ay ka shaqeynaysay ku dhowaad saddex sano.
“Waxaan uga digeynaa shacabka, gaar ahaan ragga, in ay ka taxadaraan sarkaalkaan ujeedkeeda uu yahay in ragga ay dabinkeeda galiso, ka dibna ay si naxariis daro ah u disho,” ayuu yiri.