Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax waddada dhinaceeda la dhigay oo lagu bartilmaameedsaday gaari marayay waddada Daarusalaam uu ku dhintay gudoomiye kuxigeenkii siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamad Maxamuud sida uu BBC-da u sheegay xogeeyaha degmada Mahad Sharaawe.
Xogeeyaha ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhawaacyo soo gaaray ilaallada gudoomiye kuxigeenka dhintay kuwaas oo loo qaaday isbitaalka.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay waddada Daaruslaam, balse miinooyinka waddooyinka hareerrahooda la galiyo ee lala beegsado saraakiisha dawladda waxa fuliya Al-Shabaab.
xigasho bbc news