Wasiirka Biyaha oo Shaqadiisii ku canaantay Bulshada reer somaliland,

0

Hargaysa[ Biyoguure News] Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in marmarka qaarkood Dadka reer Somaliland lagula yaabo sida aanay ugu diyaar-garoobin Abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha biyo la’aanta.

Wasiirka oo Shalay khudbad ka jeediyey Xuska Maalinta Biyaha oo dunida laga xuso 22 March, ayaa sheegay inay ceeb tahay in lix bilood gudahood Shacabka Somaliland marba ka cawdaan Harraad, marna biyo.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Gaadhi gaadhi saar uun ku jiri mayno, waalla inala yaabaa Marmarka qaar, Waayo? lix bilood gudahood ayaynu marna Roob ka cabanaynaa marna biyo la’aan ka cabanaynaa, innaga oo xogsoon in jiilaalkii soo socdo ayaynaan waxba u sii kaydsaneyn oo aynu Maalintaa maalinta ka dambaysa odhanaynaa Gaadhi gaadhi saar iyo ha la na soo

gaadho.”

Hadaba Wasiir Maxamed Muuse Diiriye  shaqadiisu waa  in uu straatiyada biyaha u dajiyo wadanka somaliland miyi iyo magaalaba, waa in uu sameeyaa wacyi galin ku aadan sidii biyaha loo kaydsan alahaa  waana in uu ka caawiyo bulshada khasatan  dadka reer guuraaga ah iyo beeralayda  dhanka Aqoonta  sidii ay biyaha u kaydsan lahaayeen ,

xataa waxaa xaq loogu leeyahay in uu ka tageero oo cawimad udoono wixii Agab ah ee hawlahaas biyo kaydinta ay ku samasan lahaayeen,

waxase yaaab leh in uu maanta ku canaanto bulshada xoolo dhaqatao beeralayda ah ee reer somaliland  kuwo aan  mufakir ahayn oo iska nool,