Muddo lix bilood ah waxaa baadi goob loogu jiray ninki ku guuleystay bakhti nasiibka sanadlaha ah ee wakaaladda bakhti nasiibka ee dalka Itoobiya ay bixiso.
Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee wakaaladda bakhti nasiibka ee dalka Itoobiya Tewedros Niway oo BBC u warramay ayaa sheegay ninka bakhti nasiibka ku guuleystay oo lagu magacaabo Kindee Asraat lix bilood kaddib inuu wakaaladda u keenay seddex tikidh oo ka mid ah ee tikidhada afarta ahaa ee bakhti nasiibka lagu muteysan lahaa.
Wuxuuna Kindee uu ku guuleystay 12 Malyan oo Birr oo lacagta waddanka Itoobiya ah oo u dhiganta ku dhawaad $300,000 oo doolar.
Kindee siduu ku ogaaday inuu bakhti nasiibka ku guuleystay?
Kindee wuxuu sheegay inuu baraha bulshada gaar ahaanna Facebook uu si aad ah uu u isticmaalo uuna ku arkay xayasiis lagu baadi goobaya qofka helay bakhti nasiibKindee ka koobaad ee sanadlaha ah. “Aniga marnaba kuma fakarin inaan aniga noqonaya qofka bakhti nasiibkaasi nasiibka u yeeshay oo waxaan saaxibbadeey kula sheekeysaneyey iney dhici karto qofkii tikidhka goostay inuu ku dhintay dagaallada ka socday gobolka Tigraay” ayuu yiri.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa laga soo wacay iskuul uu wiilkiisa wax ka baraneyey waxaana loo sheegay inuu bixinin lacagtii iskuulka.
Kindee wuxuu ogaa inuu lacagta bixiyey wuxuuna gudagalay juwanka( warqadda caddeynta) lacagta uu ku bixiyey inuu raadiyo si uu iskuulka uu caddeyn ahaan ugu geeyo.
Inta uu gurigiisa ka baareyey juwanka iskuulka wuxuu boorsaddiisa uu ku arkay mid ka mid ah tikidhada bakhti nasiibka ee baraha bulshada laga raadinayey.
Balse wuxuu ogaaday weli iney dhiman yihiin laba tikidh oo kale iyada oo bakhti nasiibka koobaad afar tikidh loogu guuleysanayo, wuxuuna xusuustaa inuu goostay seddex ka mid ah tikidhadaasi.
laba maalmood marka uu tikidhada gurigiisa ka raadinayey ugu dambeynti wuxuu ku guuleystay seddexdi tikidh inuu helo, taariikhda markay ahayd March 5, 2021 wuxuu la xiriiray wakaaladda bakhtiyaa nasiibka qaranka bixisa oo raadineysa ciddi guuleysatay iney lacagteeda soo doonato.
“Anaa bakhti nasiibka ku guuleystay”
Kindee Asraat waa wiil dhalinyara ah oo ka shaqeeya arrimaha samafalka oo ku nool magaalada Arba-mich.
“Tikidhka bakhti nasiibka aan ku helay ma xusuusto magaalada aan ka goostay balse waxaan u maleynayaa ‘Shaashamane ama Arba-Micnh midkood iney ahayd” ayuu yiri mar uu u warramayey BBC.
Kindee marka u tikidhka bakhti nasiibka goostay kaddib wuxuu u shaqa tagay magaalada Diridhaba oo ku taalla bariga Itoobiya.
“Marki aan ogaaday inaan Bakhti-nasiibka ku guuleystay waa naxay, muddo ayey igu qaadatay inaan isdajiyo, maalmo dhanna hurdo la’aan ayaan ahaa farxad iyo naxdin wada socota ayaa hurdadad ii diidday” ayuu yiri.
Ninkan bakhti nasiibka 12 malyan oo lacagta Itoobiya ku guuleystay wuxuu sheegay 8 malyan oo ka mid ah in la siiyo shacabka ku barakacay dagaallada Tigraay ka dhacay.
Wakaaladda bakhti-nasiibka Itoobiya ayaa muddo 60 sana ah bixineysay bakhti nasiib isugu jira sanadla iyo kuwa munaasabada gaar ah lagu saleeyo.