Siyaasiga Jawaar Maxamed oo garan waayay Hooyadii oo xabsiga ku booqatay+Sababta

0

Mas’uuliyiinta ka tirsan xisbiga Oromo Federal Congress (OFC) ayaa walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee Jawaar Maxamed iyo saddex qof oo la xidhan kuwaas oo cuntada ka soomay.

Tiruneh Gemta oo ka tirsan golaha fullinta ee xisbigaas ayaa BBC u sheegay in Jawaar Maxamed iyo ragga kale ee xiran ay xanuunsan yihiin.

Wuxuu sheegay in uu booqday maxaabiista Isniintii, “Xitaa ma hadli karaan, waxay u baahan yihiin adeeg caafimaad”

Tiruneh Gemta ayaa sidoo kale sheegay in Jawaar Maxamed uu xitaa garan waayay hooyadiisa oo xabsiga ku booqatay.

“Waxaan u tegay Isniintii, xitaa ma hadli karin.. Jawaar Maxamed wuxuu garan waayay hooyadiisa oo booqasho ugu tegtay”

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in dowladda Itoobiya ay cadaadis ku saaraan sidii loo soo deyn lahaa siyaasiyiinta.

Siyaasiyiintan ayaa gadoodka cunto ka soomidda ah sameeyay si ay uga mudaharaadaan xarigooda iyo sida warbaahinta loogu diiday inay xogtooda helaan.